Skip to main content

Posts

Soomaaliya ma lahan awood ay uga adkaan karaan Shabaab

Soomaaliya ma lahan awood ay uga adkaan karaan Shabaab AFP Copyright: AFP Ciidammada Soomaaliya waxaa la sheegay in si weyn ay ugu tiirsan yihiin taageerada ay ka helaan dalalka shisheeye Image caption: Ciidammada Soomaaliya waxaa la sheegay in si weyn ay ugu tiirsan yihiin taageerada ay ka helaan dalalka shisheeye Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ciidammada Soomaaliya aysan laheyn awood ay Al Shabaab uga saari karaan deegaannada ay ku xooggan yihiin. 'Dalku wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay tageerada ay siiyaan dalalka shisheeye gaar ahaan dadaallada ay geliyaan arrimaha amniga' ayaa lagu yiri warbixin ku saabsan howlaha argagixisada sannadka 2019-ka ee uu Mareykanku soo saaray. Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in 'Al Shabaab' uu dakhli kasoo galo dhoofinta dhuxusha iyo canshuurta ay qaadaan ganacsatada iyo shacabka' Ururka Al Shabaab ayaa gacanta ku hayaa deegaanno badan oo ka tirsan dalka, waxay sidoo kale weeraro ka geysteen dalka Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka heleysa Baanka Adduunka lacag lagu kabayo Misaabiyadda 2020 oo gaareysa $55 keddib markii ay saameyn taban ku yeesheen kobaca dhaqaaalaha iyo dakhli uruurinta dalka fatahaadihii ka dhashay roobabka, ayixii ku habsaday qaar ka mid ah gobollada dalka iyo cudurka safmarka ah ee COVID19 oo hoos u dhigay dakhliga la filayay 29%. Taageeradan dhaqaale ayaa ka dhalatay dadaalladii wanaagsanaa ee ay la timid Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Wasiirkiisa Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Bayle ee ku qotomay dib u habeynta iyo hufnaanta hay’adaha maaliyadda dalka iyo la dagaallanka musuqa kuwaasoo ay ku ammaaneen dhammaan Hay’adaha Maaliyadda Adduunka ee #IMF, #AfDB iyo #WB. Faahfaahinta mareegtan hoose 👇ka akhri. https://www.worldbank.org/en/news/press-release/2020/06/23/world-bank-approves-55-million-to-sustain-somalias-reforms-and-fiscal-response-to-multiple-crises

World Bank Approves $55 Million to Sustain Somalia’s Reforms and Fiscal Response to Multiple Crises Email Tweet Share Share WASHINGTON, June 23, 2020 —  The World Bank Board of Directors today approved a $55 million International Development Assistance (IDA)* grant to support Somalia’s economic recovery through continued fiscal and other economic policy reforms. The policies will strengthen fiscal management and promote inclusive private sector-led growth. The supplemental financing helps Somalia ease the effects of the global COVID-19 crisis and continue implementing the reform program supported by the Somalia re-engagement and reform supplemental Development Policy Financing (DPF). The DPF delivers critically needed financing for Somalia’s revised 2020 budget, which allocates funds for an integrated and national response to the pandemic, including increased grants to sub-national government to ensure c

PUNTLAND OO INAY DHIIG DAADIN DOONTO UGU HANJABTAY SOMALILAND

PUNTLAND OO INAY DHIIG DAADIN DOONTO UGU HANJABTAY SOMALILAND June 23, 2020   admin   Leave a comment Wasiirka Warfaafinta dawlad goboleedka Puntland Cabdulaahi Timacade oo ujawaabayay dhigiisa Somaliland Mr. Koore oo saaka kahadlay Puntland isagoo daba socday hadalkii madaxwayne Dani ee ahaa “Inay Somaliland kabaxdo dhulka Puntland”, ayaa yidhi: “Hadii Somaliland ay iskaga bixi waydo dhulka Puntland, dhiig ayaa ku daadan doona,.. Puntland way iskaga filan tahay Somaliland”

𝐋𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐉𝐚𝐜𝐚𝐲𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐝𝐚𝐧

𝐋𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐉𝐚𝐜𝐚𝐲𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐝𝐚𝐧 Had iyo jeer waxa aynu maqalnaa marka laga waramayo jacayl daran oo dhex mara laba qof oo soomaali ah ,in ay ugu horeeyeen cilmi boodhari iyo hodan. Haddaba, hal-abuur cabdilaahi saleebaan bidde oo ah, hal-abuur  leh suugaan(heeso) badan oo hirgaley ayna walaalo yihiin hal-abuurka kale ee caanka ah waa axmed saleebaan bidde e ayaa sheegay  in ey jireen lammaane ka horeeyey cilmi iyo hodan ,oo jacayl darani dhexmaray kuwaasi oo ahaa reer saylac lana kala odhan jirey muriyo iyo xuseen.  "Seylac geed baa ka baxay labadooda qabri, geedkii ayaana isku maran" ayuu yidhi Cabdullaahi Saleebaan Bidde oo u waramayey idaacada bbcsomali. Waa tan beydad kamid ah hees uu qaado xasan aadan samatar oo uu hal-abuuray cabdilaahi saleebaan bidde oo uu kaga waramayo arrinta aynu ka soo hadalney. “ Qarnigii Sagaalaad,     surinkuu jacaylkani,    Soomaali kaga yimid,    sow Seylac

XAASKII JENERAAL SEARE MOKENNEN OO CADAALAD DALBATAY

XAASKII JENERAAL SEARE MOKENNEN OO CADAALAD DALBATAY June 22, 2020   admin   Leave a comment Xaaska taliyihii guud ee ciidamada dalka Itoobiya Jeneraal Seare Mekonnen ee sanad kahor toogashada lagu dilay ayaa sheegtay inay ku guul daraysatay dadaalo ay ku doonaysay in ra’isal wasaare Abiy Axmed kula kulanto si ay wax uga ogaato baadhitaanada ku aadan dilkii loo gaystay saygeeda. “Waxaa la igu yidhi suuragal ma ahan”, Waxaa sidaas Laanta Afka Tigranyaga ee BBCda ku yidhi Col Tsege Alemayehu. Col Tsege ayaa sheegtay inaysan maqlin wax ku saabsan toogashadii loo gaystay saygeeda. “Sanad kahor waxaa la ii sheegay in qof laxidhay balse ma ogi waxa socda,” Ayay tidhi. Saygeeda, Gen Seare Mekonnen, ayaa toogasho lagu dilay, iyadoo dawladu ay ku eedaysay waxay ugu yeedhay inqilaab lala maaganaa gobolka Amxaarada. Jeneraal Seare Mekonnen oo ahaa taliyihii ciidamada qaranka Itoobiya waxaa dilay waardiyihiisii, markaas wuxuu isku dayayay in uu fashiliyo afgambiga sida ay dawlad

Shah Rukh Khan oo u gurmaday cunuggii damcay inuu kiciyo hooyadiis oo dhimatay

Shah Rukh Khan oo u gurmaday cunuggii damcay inuu kiciyo hooyadiis oo dhimatay 1 Juunyo 2020 La wadaag qodobkan Facebook   La wadaag qodobkan WhatsApp   La wadaag qodobkan Messenger   La wadaag qodobkan Twitter   La wadaag Lahaanshaha sawirka HINDUSTAN TIMES Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Shah Rukh Khan ayaa la murugooday dhacdada ku saabsan cunug yar oo isku dayay inuu kiciyo hooyadiis oo ku geeriyootay goobta laga raaco tareennada. Hay'adda samafalka Meer Foundation, oo uu leeyahay atoorahan, ayaa ballan qaadday inay dhaqaale ku caawineyso cunuggaas yar oo laga arkay muuqaal laga soo duubay boosteejada tareennada ee Muzaffarpur. Ilmaha yar ayaa muuqaalka sida weyn u faafay laga daawaday isagoo isku dayaya inuu kiciyo hooyadiis oo goobta ku geeriyootay, xilli ay jiraan dhibaatooyin heysta dadka qaxootiga ah. Meer Foundation ayaa baraha bulshada ku shaacisay sawir uu ka muuqdo cunugga yar oo la jooga ayeydiis iyo awow

heesaa masaari ah oo laxidhay kadib markay kaftan kasheegtay webiga nile

Heesaa Masaari ah oo la xiray kadib markii ay kaftan ka sheegtay wabiga Nile 27 Febraayo 2018 La wadaag qodobkan Facebook   La wadaag qodobkan WhatsApp   La wadaag qodobkan Messenger   La wadaag qodobkan Twitter   La wadaag Lahaanshaha sawirka AFP Waxay u egtahay in aanan waxbo laga sheegi karin wabiga Nile-ka oo ah laf dhabarta nolosha dadka Masar, xitaa haddii qofka uu kaftamayo, waxaana arrintaas cashar adag ka baratay haweenay heesaa caan ah. Gabadhan oo lagu magacaabo Sherine Cabdiwahaab ayaa lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah, kadib markii ay si kaftan ah u sheegtay in wabiga Nile-ka biyihiisa aysan nadiif ahayn. Wargeyska Al Ahram ayaa tabiyay in sidoo kale lagu xukumay lacag damaanad ah oo dhan $204 doolar, iyo ganaax dhan $408 doolar. Haweeney xabsi ku muteysatay muuqaal laga duubay ayadoo moos cuneysa Fannaanad caan ah oo loo maxkamadaynayo hadal kicin ah oo ay ka tiri wabiga Niil Itoobiya oo "fashilisay weerar" lagu qaaday biyo xi