Skip to main content

Posts

Fadlan lifaaqa guji oo sii akhri

BOOLISKA SOMALILAND OO JEELKA UTAXAABAY ABWAAN SHUCAYB YARE June 28, 2020   admin   Leave a comment Hargeysa(RNN)  – Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa caawa gurigiisa kala baxay Abwaan Shucayb Yare oo dhawaan Maanso ku dhaliilay Madaxwayne Biixi iyo xukuumadiisa. Nidaamka dawladnimo ee Somaliland ayaa dhibsaday suugaanta da’yarkan oo ahayd gantaal wadnaha ka abaaraya Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kaasoo uu abwaankan da’da yari sawir kaga bixinayay fool-xumooyinka maamul ee kajira Somaliland. By Mohamed Yusuf Bakayle

XISBIGA WADAJIR OO GUDIGA DOORASHOOYINKA UGU BAAQAY INAY ISCASILAAN

X ISBIGA WADAJIR OO GUDIGA DOORASHOOYINKA UGU BAAQAY INAY ISCASILAAN June 28, 2020   admin   Leave a comment Muqdisho(RNN)  – Xisbiga Wadajir wuxuu si rasmi ah ugu baaqay Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka inay iscasilaan, maadaama ay ku fashilmeen mas’uuliyadii loo idmaday, lumiyeena kalsoondii shacabka, qaybna ka noqdeen mashruuca Madaxtooyada ee mudo korodhsiga ah.

XUBNO BAARLAMAANKA PUNTLAND KAMID AH OO GU’ITAAN RAADINAYA

X UBNO BAARLAMAANKA PUNTLAND KAMID AH OO GU’ITAAN RAADINAYA June 28, 2020   admin   Leave a comment Mudaneyaal katirsan Baarlamaanka dawlad goboleedka Puntlad ayaa xukuumada uu madaxwaynaha kayahay Siciid DANI ugu baaqay inay kala shaqayso in Puntland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale oo ay iskeed ugu dhawaaqdo dawlad madax banaan si lamid ah Somaliland. Xildhibaanadan ayaa waxay qabaan in Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay duudisaday xuquuqdii deegaanadooda ee dhinac walba. Soo ma moodid, inay Puntland dhan u raran tahay maalmahan danbe markaad eegto hadalada madaxdeeda iyo hanjabaadaha kasoo yeedhaya?.

WAKIILADA SHACABKA SOMALILAND OO ANSIXIYAY XUBNIHII AY HORAY UDIIDEEN

WAKIILADA SHACABKA SOMALILAND OO ANSIXIYAY XUBNIHII AY HORAY UDIIDEEN June 28, 2020   admin   Leave a comment Hargeysa(RNN)  – Golaha wakiilada Shacabka ee Somaliland ayaa saaka ansixiyay labadii xubnood ee ay xisbiyada mucaaradku komishinka doorashooyinka usoo magacaabeen. Wakiilada ayaa horay udiiday xubnahan ay haatan ansixiyeen. Khaalid Foodhaadhi

Wabiga Nile: Itoobiya oo oggolaatay iney dib u dhigto biyo-xireenka 27 Juunyo 2020, 12:21 EAT Waa la cusbooneysiiyay Saacad ka hor Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille Qoraalka sawirka, Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille Madaxda dalalka Suudaan, Itoobiya iyo Masar ayaa magaalada Addis Ababa ku gaadhay heshiis ah in dib loo dhigo keydinta biyaha biyo-xireenka ilaa ay seddexda dal ka gaarayaan heshiis dhammeystiran. Seddex dal heshiiska ay ku gaareen magaalada Addis Ababa wuxuu dhigayaa iney ku laabtaan wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa isla-markaana usbuucyada soo socda ay gaaraan heshiis kama dambeys ah. Xukumadaha Khartuum iyo Qaahira warmurtiyeedyo heshiiska ku saabsan oo ay soo saareen ayay ku sheegeen go'aanka Itoobiya ay ku waafaqdo iney dib u dhigto biya keydinta ay gacan ka geysaneyso heshiis buuxa iney seddexda dal gaaraan. Heshiiskan la shaaciyey gelinki dambe ee Jimcaha ayaa lagu sheegay inuu noqonayo mid soo afjaro ismariwaagi toddobaadyada taagnaa ee ka dhashay mashruuca weyn ee ay Itoobiya dhiseyso oo ay ku kaceyso miisaaniyad ka badan $4.6 bilyan oo doolar. Itoobiyana waxay in mudda ah ku adkeysaneysay iney keydinta biyo-xireenka dhisamahiisa uu hadda marayo 70% ay billaawdo xilli roobaadka bisha July ee soo socota. Dhinaca Itoobiya weli wax war oo ku saabsan heshiiskaasi la gaaray kama soo bixin, marka laga reebo farriin uu Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay oo uu ku sheegay kulanka Midowga Afrika uu hormuudka ka ah ee ay seddexda dal yeesheen inuu "mira dhal ahaa". Xurguftii Masar iyo Itoobiya ee wabiga Nile wali fari kama qodna Hase yeeshee, wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee dalka Itoobiya Dr Silashi Beqele wuxuu bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay Itoobiya, Masar iyo Suudaan iney wadahadallada toddobaadyada soo socda iney heshiis seddex geesoodka ku soo gabagabeeyaan. Heshiiskaasina uu dhexdhexaadinayey guddoomiyaha midowga Afrika Cyril Ramaphosa oo ay seddexda dal saxiixeen waxay ku heshiiyeen 2-3 usbuuc iney heshiis kama dambeys ah ku gaaraan. . Qoraalka sawirka, Biyo xireenka webiga Nile Itoobiya waxay mar weliba ku adkeysaneysay mashruuca biyo-xireenka aadka u weyn ay uga faa'ideysani lahaayeen malaayiin shacab ah oo saboolnimo ku sugan. Dalka Masar oo 90% biyaha dalkaasi laga cabbo ka helo wabiga Nile ayaa welwel aad u weyn ka qabto inuu biyo-xireenkan uu biyaha Masar ay heli jirtay uu yareeyo, taasina ay saameyn u geysato shacabka 100-ka malyan kor u dhaafay ee reer Masar. Masarna waxay Qaramada Midoobay ugu baaqday inay soo farageliso muranka ka dhashay biya xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Nile. Ra'isal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduk wuxuu isna sheegay waddamada uu maro wabiga Nile iney ku heshiiyeen wadaxaajoodkii seddex geesoodka dib loo billaabo si ay guddiyada farsamada ay laba toddobaad gudahood ay u gaaraan heshiis kama dambeys ah. Itoobiya: "Masar waxay carqaladeyneysaa wadahadallada seddex geesoodka ee socda" Wuxuuna Ra'isal wasaaraha Suudaan uu intaa ku daray "iney Suudaan biya-xireenkaasi si weyn uga faa'ideysaneyso, khataraha ka imaan kara haddii aan xal loo helinna ay tahay waddanka ugu horreya uu dhibka ugu weyn ka soo gaari karo, isaga oo Masar iyo Itoobiya ugu baaqay iney gaaraan xal waara." .

W abiga Nile: Itoobiya oo oggolaatay iney dib u dhigto biyo-xireenka 27 Juunyo 2020, 12:21 EAT Waa la cusbooneysiiyay Saacad ka hor Qoraalka sawirka, Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille M adaxda dalalka Suudaan, Itoobiya iyo Masar ayaa magaalada Addis Ababa ku gaadhay heshiis ah in dib loo dhigo keydinta biyaha biyo-xireenka ilaa ay seddexda dal ka gaarayaan heshiis dhammeystiran. Seddex dal heshiiska ay ku gaareen magaalada Addis Ababa wuxuu dhigayaa iney ku laabtaan wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa isla-markaana usbuucyada soo socda ay gaaraan heshiis kama dambeys ah. Xukumadaha Khartuum iyo Qaahira warmurtiyeedyo heshiiska ku saabsan oo ay soo saareen ayay ku sheegeen go'aanka Itoobiya ay ku waafaqdo iney dib u dhigto biya keydinta ay gacan ka geysaneyso heshiis buuxa iney seddexda dal gaaraan. Heshiiskan la shaaciyey gelinki dambe ee Jimcaha ayaa lagu sheegay inuu noqonayo mid soo afjaro ismariwaagi toddobaadyada taagnaa ee ka dhashay mashruuca weyn e

qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha

Q oraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa loogu mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsiigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda go’aankan taariikhiga ah oo aan horey loogu dhiirran, in uu ku yimid dadaal wadajr ah oo ay muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta ay ka go’an tahay in la sii amba-qaado hannaanka dimuqraadiyadda loo dhan yahay ee dalka. “Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeen dareenka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan rajada bulshada Caasimadda. Waa guul weyn in Muqdisho ay hesho qoondo ku saabsan matalaad Aqalka Sare, waayo waa caasimaddii Qaranka, waa astaanta dowladnimadeena, waana muraayaddii dadka iyo dalka Soomaaliyeed." Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka codsaday Xil

G uddiga ka Hortaga Caabuqa COVID19 ayaa Yeeshay Kulankoodii Caadiga

G uddiga ka Hortaga Caabuqa COVID19 ayaa Yeeshay Kulankoodii Caadiga  Guddiyada Sare ee ka Hortaga, Xakamaynta iyo Wacyigalinta Cudurka COVID19 Ee Degaanka Soomaalida oo ka duulaya sii'adkaynta shaqooyinka ka hortaga karoona fayraska ayaa yeeyashay kulan koodii joogtada ahaa. Kulanka oo uu  shir gudoomiyay Madaxwayne Ku Xgeenka DDS Mudane Ibraahim Cismaan ayna ka soo qayb galeen masuulinyiinta gudiyada ayaa waxaa ugu horayn la isku xog waydaarsaday xaaladaha u.danbeeyay ee halista cudurka iyo dhibaatooyinka uu keenay.   Waxayna guddiyada ka hortagu ay soo jeediyeen in uu caabuqa karonaa fayrasku sii kordhayo kuna sii faafayo bulshada gudaha degaanka dhinaca bulshadana ay ka muuqato dhayalsi badan iyo taxadar la'aan ayna ugu daran yihiin maamul magalooyinka iyo degmooyinka  Kulanka oo lagu gorfeeyay arimaha caabuqa COVID19 ka ayaa la iskula qaatay. ☆ In la siixoojiyo shaqooyinka ka hortaga oo aan laga caajisin dadaalada ka hortaga iyo xakamaynta cudurka. ☆ In la sii adkeeyo haw