Skip to main content

Posts

Imaaraatka Carabta oo Sheegay in Safaarad iyo Qunsilayadba aaney ku leheyn Somaliland

Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash, oo u warramay laanta afka carabiga ee BBC ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya. Iimaaraadka carabta oo cilaaqaadka kala dhaxeeya dawladda Soomaaliya uu sii darsanayey ayaa markii ugu horreeyey ka hadlay halka uu ka taagan yahay xiriirkaas, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu joojiyay barnaamijyadii uu ka waday Soomaaliya. Wuxuu sheegay in heshiiska Berbera uu kala hadlay dawladdii ka horraysay tan hadda ka jirta Soomaaliya. "Arrinta dekedda Berbera waxay ku dhacday isfahan cad oo aan la yeelannay dawladihii hore ee Soomaaliya, waxayna ahaayeen kuwo cadcad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xiriirna lama lihin. Waxaan kaalin fududayn ah ku lahayn in aan kulamo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dhabi. Kaalinteennu waxay ku koobnayd  fududayn. Is fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsannahay
Nin qoraa ah ayaa sanadkii 2013 waxa uu qoray buug lamagac baxay my mother my love ayaa ah buug kahadlaayay hooyada. Waxaa lawaydiiyay sababta ku kaliftay waxa uu kujawaabay:- maalin maalmaha kamida markii aan jiray 12 ayaa habeen waxaa xanuun satay hooyaday waxana ay laheyd uur todobo bilood ah. Markii ay xanuunka dareentay ayaa waxaan i qabatay hurdo waana seexday,xili ay saacadu kubeegneyd 8:00 habeenimo ayaan soo baxay oo waxaa iqabatay kaadi,markii aan soo maraaray jigada ayaan waxaan dareemay sanqar. Markii aan soo galay jigada ayaan arkay arin aan la'ooyay hooyaday oo xalay oo dhan xanuunsaneyd ayaa hada waxay dabka saareysaa shaah. Intaan soo orday ayaan iri hooyo maxaad usameyneysaa shaaha waaba xanuunsan tahay aniga ayaa kuu jooga oo karin lahaa,waxay igu tiri hadal aan waligey ilaabi doonin"hooyo xanuun walba oo aan dareemo waxaa kaweyn xanuun walba oo uu dareemayo ilmaheygu markuu kaajoodo. Hooyadu waa lama helaan hadii ay kuu nooshahay kaduceyso una

Ruushka oo kahadlay dagaalka lagu qaaday suriya

#Ruushka:Af-hayeen u hadashay wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka ayaa iyaduna sheegtay in weerarkani dhacay iyada oo fursad ay Suuriya nabadi kaga dhalan kartaa soo dhawaatay. Saraakiil Ruush ah oo Moscow joogaya ayaa sheegay in gantaalaha Suuriya lagu duqeeyey ku dhaceen meelo u dhaw goobo ku dhaw meelaha fadhiisimada u ah ciidamada Ruushka ee ku sugan Suuriya oo ay yaallaan gantaalaha difaaca cirku. Xukuumadda Suuriya iyo Iran oo ah dal ay gacan saar leeyihiin ayaa iyaguna sheegay in weeraradawada jirka ah ee dalkaa lagu qaaday yihiin kuwo xad gudub ku ah sharciga caalamiga ah.Iran ayaa Maraykanka iyo xulufadiisa ku dhaliishay qar iska xoornimo, waxa aanay intaa ku dartay in ay iyagu qaadi doonaan masuuliyadd cawaaqibka ka dhasha weeraradaas. Warbaahinta dawladda Suuriya ayaa ku warantay in weerarka lala beegsaday xarunta cilmi baadhista Dimishiq uu khasare kooban gaadhsiiyey goobtaa, hase yeeshee ay weeradda Xums ku dhaawacmeen saddex qof oo rayid ahi.Wararka kale ee ka ima

Qurba-joogta Gobolka Jarar Ee Jaaliyada Sweden Oo Qado Sharaf Usameeyay Waftigii Isku Dhafka Ahaa Ee Ka Socday Deegaanka

Stokholm (tuliguuleed )news Khamiis 12ka April 2018. Qurba-joogta DDSI ee gobolka Jarar qado ee jaaliyada DDSI ee wadanka Sweden ayaa waxay qado Sharafeed si heer sare ah loo soo agaasimay    Uqabteen    Waftigii isku dhafka ahaa ee uu hogaaminayay wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe ee XDSHSI mudane  Khadar Cabdi Ismaaciil , Haddaba waftigan isku dhafka ah ee uu hogaaminayay wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee xarunta dhexe mudane  Khadar Cabdi Ismaaciil ayaa waxay qurba-joogtan gobolka jarar ee jaaliyada Sweden uga mahad celiyay sida quraxda badan ay usoo dhaweeyeen islamarkaana ugu sameeyeen qado sharfeedan quruxda badan. Ugu danbayna waxaa qado sharafeedan ay soo agaasimeen qurb-joogta gobolka jarar ee jaaliyada Sweden khadka telefonka kaga qayqaatay lataliyaha madaxwaynaha ee dhanka xalinta cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska qurba-joogta DDSI mudane C

Xafdlada Arooska Qarniga Ee Midaynta Soomaalida Oo Si Heer Sare Ah Ugu Dhacday Xarunta Deegaanka Ee Magaalada Jigjiga

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay abuurtay xiisad aan loo baaheyn,

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta  Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay abuurtay xiisad aan loo baaheyn, kaddib markii axadii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay mid ka mid ah diyaaradaha Imaaraadka Carabta oo siday lacago mallaayiin doollar ah. Waxaa uu ku eedeeyay dowladda hada jirta inay sameysay xadgudubyo heshiisyadii iyo is fahamkii ka dhaxeeyay Imaaraadka Carabta. “Xukuumadda Soomaaliya ee xilligan waxa ay ku sameysay xadgudubyo badan hababka iyo isfahanno hore oo sal adag oo ay la gashay dowladda Imaaraadka, waxaa ay abuurtay caqabado aan loo baahnayn in loola bareero saaxiib iyo isbaheysi u istaagay deganaanshaha iyo ammaanka Soomaaliya xilli aad u xun, waxaa aan ugu baaqeynaa in garaadka iyo caqliga uu shaqeeyo”ayuu yiri Anwar Gargash qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in diyaaradii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho Axadii la soo dhaafay ay siday lacag gaareysa $ 9.6