Skip to main content

Posts

QABYAALADA IYO RAAD XUMADEEDA W/Q CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Ereyada qabyaalad iyo qabiil ayaa had iyo jeer qeexidooda amma kala saaridooda  lays ku qaldaa amma inta si uu taqaanaa si fiican loo kala aqoon, bal haddaba haddii aan isku  day o ta qabiil. Qabiil ayaa ah isir, farac, abtirsiimo, ka soo bilaabanta aabbo, awow iyo awowyadii ka sii horreeye, waanna hab-qurux badan, marka laga eego caddaynta qofka ee ah tii qofka lagu dhalay hab-xalaal ah oo aan muran iyo marag-madoon ah oo dhaxla magacii  aabbihii. Alleh (SW) wuxuu aayaadkiisa mid ka mid ah innoogu mana sheegtay oo yidhi; “Waxaan idinka dhigay qabiilo si aad isugu gartaan.” Haddaba iyadoo sida saxda ah ay tahay  sid aa, ayaa haddana waxa ku hoos jira xigmado intaa ka sii weyn oo ay ka dhashaan isu naxarisasho iyo isqadarin laysugu hayo qabiilka cidda wadata magaciisa. Sidoo kale hooyo walbaaba ku dedaasho in ay ilmaheeda u hesho aabbo wanaagsan si uu mansab iyo magacba uu uga dhaxlo aabbihii, taana waxa ka dhalata dhowrsanaan dumar oo sharaftii qoyskooana ilaaliso ilaa heer bulsho. B

Akhriska iyo Faa’iidadiisa W/Q: cabdicasiis abiib mohamuud

Waxbarashadda nooc walba ay leedahay, hadday tahay barashadda Afafka , Xisaabta iyo Sayniska waxa ay kaaga xidhan yihiin wax akhriska. Cilmigu wuxu ku kaydsan yahay buugta sida kaliya ee aad kala soo dhex bixi karto Aqoontaa ku duugan buugaagta waa adiga oo akhris badan sameeya Akhris la’aantii wax ma baranaysid , aqoontaad leedahay waxay ku xidhan tahay kolba inta aad akhriday, inta aad akhriday ayaad taqaan. Akhrisku waa nafaqadda la siiyo maskaxda bini’aadamka, akhrisku wuxu balaadhiyaa garaadka, garashadda iyo qofka. Haddii cuntadu jidhka quudiso, akhriskuna wuxu kobciyaa caqliga iyo fahanka qofka. Fa’iidooyinka akhrisku leeyahay iyada oo aan la soo koobi karin bal aan dhawr ka sheegno. Akhrisku wuxu ka jarayaa dabaradda jahliga iyo gaajadda, marba marka ka danbaysa ee aad wax-akhridid waxa ka sii baxaysaa jaahilnimaddii aad maxbuuska u ahayd.  Hanashadda akhriska waxa ay qofka ka xoraysaa cidhiidhiga dhuleed iyo wakhti, oo qofka dhul badan oo uuna gaadheen ay

Mw CMC Oo Ku Soo Laabtay Deegaanka.

Jigjiga(cakaaranews), isniin, 30ka April, 2018.  Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar  oo ay wehelinayeen afhayeenka golaha baarlamaanka DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga xarunta dhexe ee XDSHSI  mudane Maxamedrashiid Isaaq  iyo masuuliyiintii ay kamid  ahaayeen maareeyaha guud ee mashruuca horumarinta bulshada reer guuraaga ee DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal cumar, wasiirka horumarinta khayraadka biyaha  DDSI mudane ahmed cabdi maxamed, wasiirka waxbarasha DDSI mudane ibraahin aadan mahad iyo ugaas Mustafa ayaa ku soo laabtay deegaanka ka dib markii ay kala qaybgaleen  Raysalwasaaraha dalka Dr Abiyu Ahmed  socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu dalka dibadiisa ugu baxay ee uu ku tagay dalka jabuuti ee aynu dariska nahay. Haddaba madaxwaynaha DDSI iyo waftigii heer deegaan ee uu hogaaminayay ayaa dib ugu soo laabtay xarunta deegaanka ee jigjiga wakhtixaadirkana ku sugan jigjiga.

Shirkii Qiimaynta waxqabadka gobolada iyo degmooyinka deegaanka oo furmay.

(tuli-guuleed news) jumce, 27ka April , 2018.Waxaa    magaalada jigjiga ee caasimada deegaanka gaar ahaan madasha shirarka    kaali 2aad ee xarunta madaxtoooyada    DDSI    ka furmay shirkii qiimaynta waxqabadka gobolada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI Haddaba, shirkan qiimaynta ah oo diirada lagu saarayo fulina qorshayaasha   horumarineed, nabadgalyo iyo maamulka suuban  ee u yaalay gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI khaasatan qorshaha beer,biyaha, caafimaadka  ee baabaca (BBC) ayaa waxaa hogaaminayay  madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,   afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI ahna madaxa arimaha xisbiga ee  xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq  iyo  madaxwayne ku xigenka DDSI ahna wasiirka horumarinta beeraraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax warkan oo faah-faahsan warakayaga dambe ayaad kala socondoontaan.

MW CMC Iyo Kulankii Balaadhnaa Ee Xog Iswaydaarsiga Ee Maanta Kadhacay Xarunta DDSI

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

WAR DEG-DEG AH XUKUUMADA IYO XISBIGA OO ISKUSHAANDHAYN CUSUB LAGU SAMEEYAY

Jigjiga(tuliguuled news) Isniin, 23ka April 2018. Shir ay yeesheen xubnaha gudiga fulinta iyo golaha dhexe oo socday shalay iyo maanta ayaa waxaa lagu sameeyey iskushaandhayn xafiisyada kabinetka iyo qaar  kamid ah Gobolada Ddsi. Shirkan ayaa waxaa hogaaminayey gudoomiyaha X.D.Sh.S.I mudane maxamad rashiid isaaq iyo Gudoomiye kuxigeenka X.D.SH.S.I ahna madaxweynaha DDSI mudane Cabdi maxamud cumar Hadaba, iskushaandheyntan ayaa waxay udhacday sidan hoos kaaga muuqata 1.        Marwo fartuun cabdi mahadi waxa loonadley madax maalida ee ddsi 2.         Mudane Ahmed Cabdi waxaa loo badaley Madax wazaarada Biyaha ahna xubin gudiga fulinta 3.        C/xakiin cigaal Cumer waa xubin gole dhexe ah ahna madaxa xafiiska pcdp 4.        Marwo sucaad axmed farax meesheedii 5.        Mudane khadar cabdi ismaciil madaxa xarunta dhexe ee xdshsi 6.        Mudane Hamdi aadan cabdi madaxwayne kuxigeen ahna wasiirka Cafimadka. 7.        Mudane suldaan kheyre wuxuu noqday xubin gudi fulin