Skip to main content

Posts

MJ DeMarco waa ganacsi-aasaase millionaire ah wuxuuna qoray buug la yidhaa: The Millionaire Fastlane: Crack the Code to Wealth and Live Rich for a Lifetime

MJ DeMarco  waa   ganacsi-aasaase  millionaire  ah wuxuuna qoray buug la yidhaa:  The Millionaire Fastlane: Crack the Code to Wealth and Live Rich for a Lifetime Qoraagu wuxuu buuggan faah-faahin kaga bixiyay sidu ku noqoday  millionaire  isagoo nolosha ka bilaabay meel hoose. Waxa kaluu buuga ku soo jeediyay talooyin aad u fiican oo ku saabsan horumarka iyo ganacsiga oo qof-kasta ku dabaqi karo noloshiisa. Qoraagu wuxuu kusoo koray magaalo maraykanka ku taal wuxuuna ka dhashay qoys aan wax badan haysan. Beriguu yaraa ayuu maalin arkay nin dhalinyaro ah oo wata baabuurka qaaliga ah ee loo yaqaan  Lamborghini . Maalintaas ayuu qoraagu go’aansaday inuu taajir noqodo  intuuna  gaboobin. Hase-yeeshee, markuu koray nolol adag buu la kulmay waxaana qasab ku noqotay inuu ka shaqeeyo shaqooyin hoose oo nadaafada ku saabsan. Hadana marnaba kamuu tanaasulin riyadiisi taajirnimo. Had iyo jeer wuxuu ka fakari jiray siduu maruun uga hoos bixi lahaa shaqooyinkan dawaamka ku xidhan ee maam

Sanadkii ugu nolosha xumaa ee soo maray taariikhda Adduunka

Haddii ay kula tahay in waqtigan lagu jiro xilliyo adag, bal dhankan ka fiiri arrimaha: xaaladdu sidan aad bay uga xumaan lahayd haddii aan ku jirno sanadkii AD536. Sida laga soo xigtay taariikh yahanka jaamacadda Harvard, ee lagu magacaabo Michael McCormick, "wuxuu waqtigaas ahaa mid ka mid ah kuwii ugu xumaa, hadduusanba ahayn sanadkii ugu xumaa ee dunida soo mara", ee lagu noolaado meelo ka mid ah caalamka. Ceeryaamo aan la garaneynin sababta ay ku timid ayaa mugdi u baddashay Yurub, Bariga Dhexe iyo qeybo kale oo ka mid ah qaaradda Aasiya - mugdi maalin iyo habeen ah - ayaa muddo 18 bilood ah, sida uu McCormick ku qoray maqaal lagu daabacay wargeyska ka faallooda arrimaha seynisya. Heer kulka xilliga kuleylaha ee sanadkii 536-kii wuxuu hoos ugu dhacay 1.5C ilaa 2.5C, taasoo horseedday tobankii sano ee ugu qaboobaa dunida, muddadii 2300-ka ahayd ee lasoo dhaafay gudaheeda. Baraf ayaa xilliga kuleylaha ku da'ayay Shiinaha: dalagyadii beeraha way baaba&#
FASHIL: ”BABAAY ayay karoone ka sheegeen!” – MW Tanzania oo madaxda Afrika ku boorriyey inaysan iska qaadanin agabyada loogu deeqayo By  Tuliguuleed news  - May 23, 2020 0 (Tuliguul) 23 Maajo 2020  – Waxaa dunida fara ba’an ku haya cudurka Coronavirus, waxaana kordhay baahida loo qabo agabyada lagula tacaalo oo ay ka mid yihiin kuwa wax lagu baaro (test kits), balse waxaa si la yaab leh uga boollaystay MW Tanzania ee John Magufuli. Magufuli, oo laftiisa lagu eedeeyo qaabka uu u wajaho cudurka coronavirus ayaa sheegay inay “khaladaad farsamo yeesheen” agabyada lagu baaro cudurka. Wuxuu sheegay in uu ciidamada amaanka Tanzanian u xil saaray inay daba galaan tayada agabka cudurkan lagu baaro sida shaybaarka, iyaga oo deeto halkaa u diray dhowr saami oo laga soo qaaday Babaay, ri iyo ido, kuwaasoo laga dhigay in dad laga soo qaaday. Waxaa deeto saamiyadii baaray howlwadeenkii shaybaarka oo aan ka warqabin, waxayna Covid-19 ka shee

Ethiopia oo gantaalada idka diyaaradaha udaabushay agagaarka biyo xidheenka wabiga abby CABDICASIIS ABIIB MOHAMUD

Xiisadda u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya ee webiga Niilka ayaa cirka isku shareertay, kaddib markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday in aysan dib u dhigi doonin buuxinta biyo xidheenka weyn ee ay ka sameysatay Wabiga Nile. Madaxweynaha Masar Abdel Fatah Al-Sisi ayaa amar ku siiyay Ciidamada qalabka sida ee Masar inay galaan feejignaantii ugu sareeyay. Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inay gantaallo lidka diyaaradaha ah u daabushay agagaarka biyo xidheenka, si ay isaga difaacdo, haddii Masar soo weerarto biyo xireenka. Cabdicasiis abiib mohamuud Tuliguuleed news

Maxay salka kuhaysaa xurgufta kadhextaagan baar lamaanka iyo xukuumada

Maxay salka ku haysaa xurgufta ka dhax taagan baarlamaanka iyo xukuumadu, aragtidayda. Sidaan la wada socono xubnaha baarlamaanka(heer deegaan iyo heer dal) waxay ka tirsanaayeen xisbigii hore ee EPRDF(SDP) iyagoo markaas ku shaqayn jiray aragtida xisbigaas, waxaa muuqata in xisbiga cusub ee heer dal lagu midoobay ee PP uu san soo sharixi doonin( waa sida ay u badantehee) xildhibaanada hada baaraalmaanka ku jira oo lala shir imaan doono xubno cusub. Sidoo kale xildhibaanada hadda waxaa ku batay ceebayn iyo canaan uga imaan jiray dhanka xukuumada iyo shacabka iyagoo lagu tilmaami jiray in ay qaataan uun wixii loo yeedhiyo. Kacdoonka xiligan waxaa sal u noqon kara iyagoo isku dayaya in ay iska biiyaan magacaas xun ee ku dhagsanaa si ay uga sii muuqan karaan masraxa siyaasadeed xisbigay doonaan ha ku biiraane. Jawaabta ay xukuumadu ka bixisay ma saxbaa ? - sida la sheegay waxay ciidan ku talbatay xildhibaanada gadooday( qalad) - waxaa la hor istaagay saxaafada qaarkeed( qalad).

sheeko garaadkii bartiraha garaad wiil waal waa sheeko murtideeda wadata CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Qiso Gaaban: Wiil Waal iyo Cali Lugo Goroyo ma Horaaddaa mise waa Dambeeddo Baribaa waxaa jiray boqor caan baxay oo Soomaaliyeed oo ka talin jiray degaanka Jigjiga caasimadda u tahay. Waxaa boqorkaa la odhan jiray Garaad Wiil Waal wuxuuna ahaa nin aragti soofaysan, aftahanimo, iyo hogaamin aad u heer sarraysana Alle weyne ku manaysatay. Wuxuu dagaal galaa-bixin jiray niman Galla ah oo uu dhul badan ka furtay. Wuxuu ahaa nin weedhiisu ka socoto degaanka u dhexeeya Herar iyo Jigjiga iyo dhulalka dariska la ah. Colaad iyo nabadgelyaba wuxuu ahaa hormuud Soomaaliyi ku dhaarato gabyaa culusna ah. Saldano taam ah iyo tol aad u tanaaday oo xoog badan markii uu isku hubsaday ayuu is cajabiyey oo wuxuu isku qanciyey inaan Bartire nin la aragti ah ama kusoo dhaw ku jirin. Sidoo kale waxaa jiray wiil dhalin yar oo qeyrada Garaadku ka dhashay ahaa Ilaahayna dadka wax walba uma siminee ku manaystay bidhaan, hadal macaan, aftahanimo, iyo garasho heer sare ah. Cali ayuu ahaa magaciisu. Wux

FAA’IDOOYINKA AKHLAAQDA WANAAGSAN ISLAAMKA GUDAHI BY cabdicasiis abiib mohamuud

FAA’IDOOYINKA AKHLAAQDA WANAAGSAN ISLAAMKA GUDAHI Waxay leedahay dabeecadda wanaagsan xagga islaamka faa’idooyin badan iyo waxyaalo uu ku gaar yahay, waxaana ka mid ah: Dabeecadda wanaagsan kuma gaar ah nooc ka mid ah dadka. Allaah wuxuu abuuray dadka oo leh muuqaallo iyo midabbo iyo afaf kala duwan, wuxuuna ka yeelay xagga miisaanka Ilaahay kuwa siman aan qofna qof kale waxba dheereyn marka laga reebo iimaankiisa iyo Alle ka cabsigiisa iyo toosnaantiisa, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri: }يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُمْ مِنْ ذَكَرٍ وَأُنْثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِنْدَ اللهِ أَتْقَاكُمْ{(الحجرات: 13). “Dadow! Hubaal Waxaanu idinka abuurnay lab iyo dhedddig, oo idinka dhignay shucuub iyo qabaa’il si aad isu aqoonsataan, hubaal, kan idiinku sharaf badan (gobsan) Allaah agti waa kan idiinku Alle ka cabsiga badan (iyo dhowris xilka uu idin saaray)”. (Al-Xujuraat: 13) Dabeecadda san waa astaanka xiriirka musl