ITOOBIYA OO QIIQ IYO UURO KABAXAYSO June 30, 2020 admin Leave a comment Addisababa(RNN) – Saaka Oromadii oo kagadoodsan fanaankii ladilay ee Hajaaluu Hundesa ayaa waxay dhaqdhaqaaq xoogan ka bilaabeen gudaha Addisababa, waxayna gubeen kaalmihii shidaalka, taaladii Minilik, ganacsigii iyo Huteeladii waawaynaa ee ay qowmiyada Amxaaradu kulahayd Addisababa. Wadooyinkii Addisababa galayay iyo kuwii kabaxayay intaba xalaynimo ayay sii xidheen waxayna dab qabadsiiyeen dhamaan gaadiidkii safarada iyo kuwii xamuulka ee kasoo baxay saaka magaalada addisababa iyagoo gaar ahaan bar tilmaameedsanayay gaadiidka Amxaaradu leedahay. Naf badan iyo maal badan ayay burburiyeen. Goobjoogeyaal Addis ababa ku sugan waxay noo sheegeen inay Addisababa saacado yar gudahood muuqaal ahaan qiiq iyo olol isu badashay islamarkaana ay maydad badan oo dad shacab ahi wadhan yihiin laamiyada magaalada iyagoo dadkaas lalaayay noogu sheegay inay ahaayeen dad Amxaaro ah oo labeegsaday, guryahoodiina lagubay....
hankan kala soco warar kusalaysan runta dhexdhexad kana hadla marwalba waxa taagan fadlan hamoogaan hana kamaqnaan