Jumce, 20ka Aprill 2018. Waxaa si rasmi ah deegaanka uga bilawday tababar kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee dhamaan barayaasha maadada milgaha qaranka iyo anshaxa ee ka hawlgala dugsiyada ku kalayaala guud ahaan deegaanka heer deegaan ilaa heer-qabale. Kuwaas oo tababarka ku kala qaadanaya 7 goobood oo deegaanka ah oo kala ah jigjiga, dhagaxbuur, qabridahar, godey, wardheer, hargeele iyo fiiltu. Iyadoo macalimintanina ay tiradoodu kor udhaafayso 3900 oo macalin Hadaba, magaalada jigjiga oo kamid ah goobaha uu tababarku ka bilawday maanta ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad oo halkaas ka soojeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa islamarkaana kusaabsan muhiimada maadada milgaha qaranka iyo anshaxa iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in kor loo qaado garaadka aqoomeed ee barayaasha maadadaasi. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhama...
hankan kala soco warar kusalaysan runta dhexdhexad kana hadla marwalba waxa taagan fadlan hamoogaan hana kamaqnaan