Skip to main content

Posts

Waxaa qoray FAYSAL ROBLE

Food For Thought! Deepening Identity Crisis In 1979, then Ph.D. candidate Ismail Weis presented a fascinating paper at the Somali Studies Association Conference (ASA). He researched what he then called Somali West Identity Crisis," or “Khakhalaka Jiritaanka Soomaali Galbeed." At the time of his presentation, Ismail was assessing the geographic identity crisis of residents of Western Somali Region within the larger Somali peninsula. His overarching focus was on brain-drain of that region and the migration of its urban educated class in its tendency to assimilate with other Somali regions.  Dr. Weis himselve today is a Presidential advisor to President Ismail Omar Gheli of Djibouti. Exactly 40 years later, with the failed state of Somalia in full gear, and the quasi successful policies of EPRDF's creation of a Somali "evolve' class, identity crises among Somalis in the DDS has taken roots. The unified view of Somali history is distorted. The evolve'

Awooda raasamaal ee gumaysiga amxaaraynta

Maqalki maant oon Af-Soomaali ku Turjumay  Awooda Raasaamlka ee  Gumaysiga Axmaarada Berhyahan dambe waxa Kusimaha Madaxweyne Kuxigeenka DDS ka soo yeedhaya difaac uu difaacayo fakarka islaweynida Axmaarada (Amhara supermacy).  Hadaba marka aynu ka hadlayno islaweynida Axmaarada waxa waa jib ah in aynu fahamno dhaqans-siyaasiga ka dambeeya islaweynida gumeysiga Axmaarada ee inagu raagay. Islaweynida Axmarada ulama jeedno in aynu nacayb iyo colaad furan u qabno shacabka Axmaarada. Maya! Waxaan ka wadnaa in aynu diidanahay gumeysiga intuu dhulkeena inaoogi yimid cadaadis xad dhaaf ina dulsaaray mudo hada ku dhow 200 oo sano.  Arintaasina waxay haysataa Soomaali, Oromo, Canfar, Welayta, iwl. Gumeysiga Axmaaradu la mid ma aha shaqsi Jigjiga, Dhagaxbuur, ama Moyale ku nool oo shah af-Xabashi ku dalbada.  Wax magaratadu ha ogaato xataa in aad af-xabashi shah ku dalbato adigoo SRS jooga waxa keenay lahaanshaha ay Axmaaro lahay ama gacanta ku haysay mudo 150 ah rugta cilmiga

kusoo dhawoow super market ka weyn ee QANCIYE SUPERMARKET oo kuu keenay dhamaan nocyada cosmaticska waxaad kala xidhiidhi kartaa 00252634377277 WAJAALE

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan sar

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l

Sagaalka qodob ee madaxweynaha dds uu wax ka qabanayo Waxaa diyaariyey cabdicasiis abiib mohuud

Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cumar ayaa markii ugu horeysay ka shanqariyay barnaamijkiisa waxqabad marka uu soo dhiso golaha wasiiradda. Isaga oo ka hor hadlayay baarlamaanka deegaanka oo shir ku yeeshay magaalada Jig Jiga ayuu mudane Mustafa jeediyay khudbad dheer, wuxuu si hordhac ah uga hadlay qodobo badan oo ku saabsan waxyaabaha uu qaban doono muddada xilka uu haynayo. Waxaan kasoo qaadanay 9 qodob oo ka mid ah waxyaabaha uu sheegay in uu qaban doono. 1.Isbadelada Isaga laftiisa waxa uu ku yimid isbadal siyaasadeed kii ugu balaarnaa oo ka dhacay guud ahaan Itoobiya tan iyo intii uu xilka Ra'isulwasaarenimada qabtay Abiy Axmed, sidaas darteed Mustafa Cumar waxa uu doonayaa in isbadalada ka socda guud ahaan Itoobiya ay ka dhaqangalaan deegaanka Soomaalida. Isaga oo hadlayana waxa uu yiri "Isbadalka heerka qaran ka socda ma jirto sabab uu deegaanka Soomaalida uga haro, waxaanan rabaa in uu halkan ka socda, sida xagga dimoqoraadiyad

Dareenka Maalinta Ciida iyo Carruurta aan helin fursada farxada Maalinta Ciida Ramadaan

Hordhac Walaalayaan waxaan ku jirnaa Bishii barakeysend ee Ramadan oo aynu khayraadka ku jira ka wada dheregsanahay waxna inagu seeganeyn. Hadaba ujeedayda Maduucan waa inaan is waydiino xidhiidhka farxadeed ama murugo ee ka dhexeeya carruurta iyo ciida bishan ramadan Carruurta Somalidu aad ayey ugu xisaabtamaan bisha RAMADAN sababtoo ah labada ciidood ee ciidul fidri iyo carafo waxaa carruurta ugu jira fursado aaney ka helin wakhtiyada kale. Sidaan ognahay, bulshada islaamka waxay xusnaa una dabaal degnaa labada ciidood (ciidul fidri iyo Ciidul carafo). Dabaal degyadaa waxaa ka mida inaan carruurta u iibino dhar iyo  kabo cusub , waxyaalo ay ku ciyaaraan sharaab, xaqal ciid, waxaynu u dalxiis gaynaa meelo cusub si ay farxad ugu ciidaan maalmaha ciida. Sidaaawgeed labada ciidood waa maalmaha kaliya ee ay carruurta somalidu ku xisaabtamaan. Mida kale dadka somalidu sidey u badan yihiin duruufo dhaqaale dartood,  labada ciidood gaar ahaan ciida soonfureed(ciid firdri) waa mark