Skip to main content

Posts

Faysal abdi roble

Free Suber Cabdi Shimbir Cadayn: Ina Cabdi Shimber waa wiil aanu qaraabo nahay. Rer-galbeedku waxay family u haysteen inta dhaafsan abtirsiinta aabaha. Sidaas darteed Ilma Shugri Gaal Eri oonu habrawadaag nahay ayaa wiilka isku qoys naga dhigaya. Laakiin arintaas ugu ma hadlayo. Xidhigiisu waxa uu isoo xasuusayey erey ay maalin MW Mustafa Cumar iyo kooxdiisu isla dhex mareyeen oo ah Kacdoonku Caruurtiisu Cunaa (Revolution deouvers its children - qoraa horaa yodhii). Hada xidhigi Subeer Cabdi Shimbir ayaa ka marag kacaya maahmaadaas. Taariikhda dib u mililicso. Maqaal aan 1994 qoray waxaan ku soo qaatay dilkii Maxamed Cumar Tube oo TPLF dishay. Waa maqaal dheer oon lahaa TPLF yaan waxba laga sugin. Sheekada Ina Tube ayaa dib iigu celisay 1976 iyo tababarkii WSLF iyo xeradii Qabri baxar oo Lughaya ku taal. Sadex nin ayaa tababarta WSLF ugu magac dheer: Ina Tube oo aroortii  qiyaas 4: 00 AM isaga oo dhangad iyo AK -47 wata, gadh madow oo buuxa leh ku dhawaaqi jiray: " w...

Waxaa qoray faysal roble waxaana idinla wadaagay aniga oo ah cabdicasiis abiib mohamuud

Sheekada Maanta Mrakaanu aasaasaynay Wardheernews.com oo taariidhu ahayd 2004, anigaa ku darsaday hindishaha bogga “Talk of the Town,” ama Sheekada Maanta. Laba meelood ayaan fakirkaas ka keenay.  Berigaan yaraa een Jigjiga joogay waxaan si joogta ah u akhriyi jiray Addis Zaman. Bog waxay lahaan jirtay la odhan jiray “ka zihim ka zaam;” bimacni “faalo googoos” ah. Wargeys kale oon mudo dheer akhriyayey (The Atlantic Monthly) ayaa isna lahaa wax u eg “Talk of the Town,” ama “Sheekada Maanta.”  Hadaba, sheekada maantu waa maxay? Waa laba sheeko.  Midi waa Baadariga ugu weyn madhabada Orothokiska ah ee Bariga iyo Badhtamaha Afrika oo Jigjiga lagu soo dhoweeyey.  Tan labaad, waa Kusime Kuxigeenka MW (KKMW) DDS, Mustafa Cumar, oo daraja cusub uu nin Axmaar ahi ku sheegay. Arinka Kiniisada:  Waxay ila tahay in maalin taariikh ah ay noqondoonto August 4, 2019. Qaaciidada Orthodox waxay Afrika ka soo gashay dhinaca Alexandria ee Dalka Masar. Waxa la qiyaasaa i...

Waxaa qoray FAYSAL ROBLE

Food For Thought! Deepening Identity Crisis In 1979, then Ph.D. candidate Ismail Weis presented a fascinating paper at the Somali Studies Association Conference (ASA). He researched what he then called Somali West Identity Crisis," or “Khakhalaka Jiritaanka Soomaali Galbeed." At the time of his presentation, Ismail was assessing the geographic identity crisis of residents of Western Somali Region within the larger Somali peninsula. His overarching focus was on brain-drain of that region and the migration of its urban educated class in its tendency to assimilate with other Somali regions.  Dr. Weis himselve today is a Presidential advisor to President Ismail Omar Gheli of Djibouti. Exactly 40 years later, with the failed state of Somalia in full gear, and the quasi successful policies of EPRDF's creation of a Somali "evolve' class, identity crises among Somalis in the DDS has taken roots. The unified view of Somali history is distorted. The evolve'...

Awooda raasamaal ee gumaysiga amxaaraynta

Maqalki maant oon Af-Soomaali ku Turjumay  Awooda Raasaamlka ee  Gumaysiga Axmaarada Berhyahan dambe waxa Kusimaha Madaxweyne Kuxigeenka DDS ka soo yeedhaya difaac uu difaacayo fakarka islaweynida Axmaarada (Amhara supermacy).  Hadaba marka aynu ka hadlayno islaweynida Axmaarada waxa waa jib ah in aynu fahamno dhaqans-siyaasiga ka dambeeya islaweynida gumeysiga Axmaarada ee inagu raagay. Islaweynida Axmarada ulama jeedno in aynu nacayb iyo colaad furan u qabno shacabka Axmaarada. Maya! Waxaan ka wadnaa in aynu diidanahay gumeysiga intuu dhulkeena inaoogi yimid cadaadis xad dhaaf ina dulsaaray mudo hada ku dhow 200 oo sano.  Arintaasina waxay haysataa Soomaali, Oromo, Canfar, Welayta, iwl. Gumeysiga Axmaaradu la mid ma aha shaqsi Jigjiga, Dhagaxbuur, ama Moyale ku nool oo shah af-Xabashi ku dalbada.  Wax magaratadu ha ogaato xataa in aad af-xabashi shah ku dalbato adigoo SRS jooga waxa keenay lahaanshaha ay Axmaaro lahay ama gacanta ku haysay mu...

kusoo dhawoow super market ka weyn ee QANCIYE SUPERMARKET oo kuu keenay dhamaan nocyada cosmaticska waxaad kala xidhiidhi kartaa 00252634377277 WAJAALE

AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA W/Q cabdicasiis abiib mohamuud

TAARIIKH KOOBAN:-“Aan oooyee Albaabka ii Xidha” Abwaan Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud’Barkhad Cas’,AUN. 1958kii gumeeyteha ingiriiskaa si isbaddala kaga go’aan gaaray in Mustacmaradda Ingiriiska ee Dhulka Soomaali la siiyo madaxbanaanidayda, si uu uga hortago kacdoonka soomaalida ee qarannimo ee ku lidka ahaa hoosgeeynta Dhulal Soomaaliyeed Itoobiya iyo Kenya; Imberadooriyo ee uu gumeeysteha dhistay (Maxmiyad), kana dhigtay gumeeyste. 1958kii waana sanadkuu soo booqaday Dukiska ee  Gloucester (Henry William Frederick Albert ) mustacmaradda ama siday dhahaan “Maxmiyadda”; waana ninkuu Maxammad Xaajji Ismaaciil Maxamuud (ku naanaysnaa Balaayo Cas geeridiisa kahor; kadibna Barkhad Cas) ugula jeedaa gabaygiisa, isagoo u jawaabayay kalkuu walaalkiisa Aadan ugu wacay inuu ka qaybqaato ku soo dhaweeynta dakadda dayuuradaha iyo munaasabooyinka dabaaldageed ay xukuumadda mustacmaradda u qabanqaabisay Dukiska. Abwaanadii wadanka ayaa loo yeedhay oo laga codsaday in ay soo dhaweeyaan...

gabay aad uqiimo badan waxaa idiin soo gudbinaya walaalkiin cabdicasiis abiib mohamuud

Magaca: Gurmad Curiye: Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” Dulucda : Hawaala-warran iyo hillaadin. Godka: Saar1 Goorta: 2005. Gun baa haan laga unkaa Duq baa geel loo tumaa Gaw ban ka aqaan durbaan, Waxaa geed lala tagaa Genkaad tahay erey la da’ ah Gefkana bashar baad u tahee Haddii aad garowdo khalad Gob bay tahay caadadeed. Waxaan godobtiisu hadhin Gar aad leeduu ogyay Nin kaaga masuugay gole. Waxaa gabay lagu saxdaa Candhuuftu gashaa dalqada Markuu milil guud ka dhayo. Golxoo dhami maaha dhalan Mar bay ged kaleeto tahay Dibnahoo ku gariira iyo Gengada waxaa keenta been. Waxay tixdu gaabsataa Damiirku markuu gam’aa, Haddii hal ku seego geed Waxaad gocataa hurdada. Intaa guntay oo dhigee Hadduu geeraar wax taro Maxaan gelin dhexe onkoday, Maxaan goohoon tallamay, Adoo gabbalkaagu dumay Maxaan gudcur bajiyoo U daaray cadceed gayiga. Maxaan galab oogay shamac Waxaan guuraha meershiyo Waxaan subax loogay gool Hadday gees kaa mareen Maxaad farta iigu godi? Dhegtaadaa soor-gad l...