Skip to main content

Posts

𝐋𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐉𝐚𝐜𝐚𝐲𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐝𝐚𝐧

𝐋𝐚𝐦𝐦𝐚𝐚𝐧𝐢𝐡𝐢𝐢 𝐉𝐚𝐜𝐚𝐲𝐥𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐝𝐚𝐧 Had iyo jeer waxa aynu maqalnaa marka laga waramayo jacayl daran oo dhex mara laba qof oo soomaali ah ,in ay ugu horeeyeen cilmi boodhari iyo hodan. Haddaba, hal-abuur cabdilaahi saleebaan bidde oo ah, hal-abuur  leh suugaan(heeso) badan oo hirgaley ayna walaalo yihiin hal-abuurka kale ee caanka ah waa axmed saleebaan bidde e ayaa sheegay  in ey jireen lammaane ka horeeyey cilmi iyo hodan ,oo jacayl darani dhexmaray kuwaasi oo ahaa reer saylac lana kala odhan jirey muriyo iyo xuseen.  "Seylac geed baa ka baxay labadooda qabri, geedkii ayaana isku maran" ayuu yidhi Cabdullaahi Saleebaan Bidde oo u waramayey idaacada bbcsomali. Waa tan beydad kamid ah hees uu qaado xasan aadan samatar oo uu hal-abuuray cabdilaahi saleebaan bidde oo uu kaga waramayo arrinta aynu ka soo hadalney. “ Qarnigii Sagaalaad,     surinkuu jacaylkani,    Soomaali kaga yimid,    sow Seylac

XAASKII JENERAAL SEARE MOKENNEN OO CADAALAD DALBATAY

XAASKII JENERAAL SEARE MOKENNEN OO CADAALAD DALBATAY June 22, 2020   admin   Leave a comment Xaaska taliyihii guud ee ciidamada dalka Itoobiya Jeneraal Seare Mekonnen ee sanad kahor toogashada lagu dilay ayaa sheegtay inay ku guul daraysatay dadaalo ay ku doonaysay in ra’isal wasaare Abiy Axmed kula kulanto si ay wax uga ogaato baadhitaanada ku aadan dilkii loo gaystay saygeeda. “Waxaa la igu yidhi suuragal ma ahan”, Waxaa sidaas Laanta Afka Tigranyaga ee BBCda ku yidhi Col Tsege Alemayehu. Col Tsege ayaa sheegtay inaysan maqlin wax ku saabsan toogashadii loo gaystay saygeeda. “Sanad kahor waxaa la ii sheegay in qof laxidhay balse ma ogi waxa socda,” Ayay tidhi. Saygeeda, Gen Seare Mekonnen, ayaa toogasho lagu dilay, iyadoo dawladu ay ku eedaysay waxay ugu yeedhay inqilaab lala maaganaa gobolka Amxaarada. Jeneraal Seare Mekonnen oo ahaa taliyihii ciidamada qaranka Itoobiya waxaa dilay waardiyihiisii, markaas wuxuu isku dayayay in uu fashiliyo afgambiga sida ay dawlad

Shah Rukh Khan oo u gurmaday cunuggii damcay inuu kiciyo hooyadiis oo dhimatay

Shah Rukh Khan oo u gurmaday cunuggii damcay inuu kiciyo hooyadiis oo dhimatay 1 Juunyo 2020 La wadaag qodobkan Facebook   La wadaag qodobkan WhatsApp   La wadaag qodobkan Messenger   La wadaag qodobkan Twitter   La wadaag Lahaanshaha sawirka HINDUSTAN TIMES Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Shah Rukh Khan ayaa la murugooday dhacdada ku saabsan cunug yar oo isku dayay inuu kiciyo hooyadiis oo ku geeriyootay goobta laga raaco tareennada. Hay'adda samafalka Meer Foundation, oo uu leeyahay atoorahan, ayaa ballan qaadday inay dhaqaale ku caawineyso cunuggaas yar oo laga arkay muuqaal laga soo duubay boosteejada tareennada ee Muzaffarpur. Ilmaha yar ayaa muuqaalka sida weyn u faafay laga daawaday isagoo isku dayaya inuu kiciyo hooyadiis oo goobta ku geeriyootay, xilli ay jiraan dhibaatooyin heysta dadka qaxootiga ah. Meer Foundation ayaa baraha bulshada ku shaacisay sawir uu ka muuqdo cunugga yar oo la jooga ayeydiis iyo awow

heesaa masaari ah oo laxidhay kadib markay kaftan kasheegtay webiga nile

Heesaa Masaari ah oo la xiray kadib markii ay kaftan ka sheegtay wabiga Nile 27 Febraayo 2018 La wadaag qodobkan Facebook   La wadaag qodobkan WhatsApp   La wadaag qodobkan Messenger   La wadaag qodobkan Twitter   La wadaag Lahaanshaha sawirka AFP Waxay u egtahay in aanan waxbo laga sheegi karin wabiga Nile-ka oo ah laf dhabarta nolosha dadka Masar, xitaa haddii qofka uu kaftamayo, waxaana arrintaas cashar adag ka baratay haweenay heesaa caan ah. Gabadhan oo lagu magacaabo Sherine Cabdiwahaab ayaa lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah, kadib markii ay si kaftan ah u sheegtay in wabiga Nile-ka biyihiisa aysan nadiif ahayn. Wargeyska Al Ahram ayaa tabiyay in sidoo kale lagu xukumay lacag damaanad ah oo dhan $204 doolar, iyo ganaax dhan $408 doolar. Haweeney xabsi ku muteysatay muuqaal laga duubay ayadoo moos cuneysa Fannaanad caan ah oo loo maxkamadaynayo hadal kicin ah oo ay ka tiri wabiga Niil Itoobiya oo "fashilisay weerar" lagu qaaday biyo xi

MJ DeMarco waa ganacsi-aasaase millionaire ah wuxuuna qoray buug la yidhaa: The Millionaire Fastlane: Crack the Code to Wealth and Live Rich for a Lifetime

MJ DeMarco  waa   ganacsi-aasaase  millionaire  ah wuxuuna qoray buug la yidhaa:  The Millionaire Fastlane: Crack the Code to Wealth and Live Rich for a Lifetime Qoraagu wuxuu buuggan faah-faahin kaga bixiyay sidu ku noqoday  millionaire  isagoo nolosha ka bilaabay meel hoose. Waxa kaluu buuga ku soo jeediyay talooyin aad u fiican oo ku saabsan horumarka iyo ganacsiga oo qof-kasta ku dabaqi karo noloshiisa. Qoraagu wuxuu kusoo koray magaalo maraykanka ku taal wuxuuna ka dhashay qoys aan wax badan haysan. Beriguu yaraa ayuu maalin arkay nin dhalinyaro ah oo wata baabuurka qaaliga ah ee loo yaqaan  Lamborghini . Maalintaas ayuu qoraagu go’aansaday inuu taajir noqodo  intuuna  gaboobin. Hase-yeeshee, markuu koray nolol adag buu la kulmay waxaana qasab ku noqotay inuu ka shaqeeyo shaqooyin hoose oo nadaafada ku saabsan. Hadana marnaba kamuu tanaasulin riyadiisi taajirnimo. Had iyo jeer wuxuu ka fakari jiray siduu maruun uga hoos bixi lahaa shaqooyinkan dawaamka ku xidhan ee maam

Sanadkii ugu nolosha xumaa ee soo maray taariikhda Adduunka

Haddii ay kula tahay in waqtigan lagu jiro xilliyo adag, bal dhankan ka fiiri arrimaha: xaaladdu sidan aad bay uga xumaan lahayd haddii aan ku jirno sanadkii AD536. Sida laga soo xigtay taariikh yahanka jaamacadda Harvard, ee lagu magacaabo Michael McCormick, "wuxuu waqtigaas ahaa mid ka mid ah kuwii ugu xumaa, hadduusanba ahayn sanadkii ugu xumaa ee dunida soo mara", ee lagu noolaado meelo ka mid ah caalamka. Ceeryaamo aan la garaneynin sababta ay ku timid ayaa mugdi u baddashay Yurub, Bariga Dhexe iyo qeybo kale oo ka mid ah qaaradda Aasiya - mugdi maalin iyo habeen ah - ayaa muddo 18 bilood ah, sida uu McCormick ku qoray maqaal lagu daabacay wargeyska ka faallooda arrimaha seynisya. Heer kulka xilliga kuleylaha ee sanadkii 536-kii wuxuu hoos ugu dhacay 1.5C ilaa 2.5C, taasoo horseedday tobankii sano ee ugu qaboobaa dunida, muddadii 2300-ka ahayd ee lasoo dhaafay gudaheeda. Baraf ayaa xilliga kuleylaha ku da'ayay Shiinaha: dalagyadii beeraha way baaba&#