Skip to main content

Posts

Dowladaha Imaaraatka Carabka iyo Baxreyn ayaa si wadajir ah u cambaareeyay dowladda Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeyay in ay ka been abuuratay Imaaraatka, islamarkaasna shaqaale safaaradeed lagu qabtay qori caaradiis, kadibna lacag malaayiin ah lagala wareegay si xoog ah.

Waxa ay ka jawaabayeen war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa lacag $9.6 milyan oo doolar ah oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadde, taas oo ay wadday diyaarad ka diiwaangashan Dubai, islamarkaasna la sheegay in ay la socdeen saraakiil Imaaraati ah. Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay baarayso lacagtaas meesha ay ka timid iyo ujeedka laga lahaa, baaritaankaas oo aanan wali war rasmi ah laga soo saarin, balse waxa ay dhacdada kusoo beegantay xilli ay dalka ka jireen khilaafyo siyaasadeed. Horey dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraatka u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, dacwadaas oo ahayd in Imaaraatka ay farogalin ku hayaan Soomaaliya, islamarkaasna si aan sharci ahayn ula wareegeen dekedo dalka ku yaala iyada oo aanan laga wargalinin. Baxreyn Waa dowladda kaliya ee illaa iyo hadda la safatay Imaaraatka marka laga hadlayo muranka kala dhaxeeya Soomaaliya. Balse waxaa la xusuustaa in markii uu dhashay khilaafkii khaliijka, in Baxr

nimco waliba nusqaanteeda ayey leedahay

22ka April,    2018. Sida lawada ogsoon yahay guud ahaan soomaalida geeska Africa degta gaar ahaan soomaalida itoobiya waxaa intabadan saamayn jiray abaaro soo noq-noqda oo dhaca sanadkiiba halmar ama labadii sanaba mar maadaama oo aysan    sifiican    uheli jirin roobabkii xiliilaha ahaa ee di’i jiray      gu’ga iyo dayrta ama ay waayi jireen sanad ama laba sanaba    taasi oo ay keentay aqoon la’aan, wacyigalinta oo yarayd iyo u diyaarsasho weel la’aanta    bulshada iyadoo xaalada isbadalka cimilada aduunka ee deegaanka kuwajahan aan lasaadaalin karin taasi oo sababi jirtay abaaro ba’an oo gaysta khasaare naf iyo maalba leh dad iyo duunyaba . nimco waliba nusqaanteeda ayay leedahaye waxaa wakhti-xaadirkan guud ahaanba deegaanka kacurtay roobab laxaadleh oo khasaare Naf iyo maalba leh gaystay sababayna fatahaado laxaadleh iyadoo ay marar badan xukuumada deegaanku horey uga digtay balse kudhawaad    in kabadan mudo laga joogo 30 sano aysan roobabkan oo kale deegaanka kadi’in. Rooba

Baasaaboorka JDFI Oo Laga qaadandoono Xarunta Deegaanka Ee Jigjiga.

jigjiga sabti, 21ka April, 2018. Laanta socdaalka dalkeena itoobiya ayaa  masuuliyiinta ugu saraysa laantan socdaalku  waxay  waraysi ay siiyeen waraahinta kala duwan ee dalka  ku sheegeen in laanta socdaalka dalku  balaadhinayso xarumaha lagu bixiyo baasaaboorka dalka taasi oo ay sheegeen in xarunta deegaanka ee jigjiga sirasmiya dhawaan looga bilaabidoona bixinta baasaabaarka dalka. Waxaana,  xusid mudan in  hadda ka hor laga qaadan jiray baasaaboorka dalka  magaalooyinka addis-ababa iyo direbadha islamarkaana ay bulshada deegaanka socdaal dheer iyo wakhtibadan ku qaadan jiray sidii ay u qaadan lahaayeen baasaaboorka dalk. Balse hadda wixii ka dambeeya  si dhibyar kaga qaadandoonaan xarunta deeganka ee jigjiga

Macalimiinta Maadada Milgaha Qaranka Iyo Anshaxa Oo Tababar Loo Qabtay

Jumce, 20ka Aprill 2018. Waxaa si rasmi ah deegaanka  uga bilawday  tababar kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee dhamaan  barayaasha maadada  milgaha qaranka iyo anshaxa ee ka hawlgala dugsiyada ku kalayaala guud ahaan deegaanka heer deegaan ilaa heer-qabale. Kuwaas oo tababarka ku kala qaadanaya 7 goobood oo deegaanka ah  oo kala ah jigjiga, dhagaxbuur, qabridahar, godey, wardheer, hargeele iyo fiiltu. Iyadoo macalimintanina ay tiradoodu kor udhaafayso 3900 oo macalin Hadaba, magaalada jigjiga oo kamid ah goobaha uu tababarku ka bilawday maanta ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay  Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad  oo halkaas ka soojeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa islamarkaana kusaabsan muhiimada maadada milgaha qaranka iyo anshaxa iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in kor loo qaado garaadka aqoomeed ee barayaasha maadadaasi. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhamaan macalimiinta iyo dhamaan shaqaa

Wasiirada cusub ee uu kudhawaaqay raysal wasaaraha cusub ee dalka ethiopia mudane abey ahmed

Kabineegii Cusbaa Ee Uu Hada Ku Dhawaaqay RW Dalka Waa Sidan:- ~~~ 1. Shiferew Shigute፡-  Wasiirka Wasaarada Khayraadka Xoolaha Iyo Beeraha 2. Dr. Siraj Fegesa፡- Wasiirka Wasaarada Gaadiidka 3. Dr Hirut W/mariam፡- Wasiirka Wasaarada Shaqaalaha & Arimaha Bulshada 4. Ambasadar Tashome፡- Wasiirka Haydaha Hormarinta Dawlada 5. Cumer Xuseen፡-  Agaasimaha Guud Ee wakaalada Dakhliga 6. Marwo Ubax Maxamed፡- Wasiirada Wasaarada warbaahinta iyo maclumaadka casriga (information technology) (Somali) 7. Ambajew Mokonin፡- Wasiirka Wasaarada Warshadaha 8. Motuma Maqasa፡- Wasiirka Wasaarada Difaaca Qaranka 9. Sofiya ፡- Wasiirada Wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska 10. Axmed Shide፡- Wasiirka Wasaarada Arimaha Xidhiidhka Dawlada (Somali) 11. Jaantirey Abay፡- Wasiirka Wasaarada hormarinta magaalooyinka iyo guriyaynta 12. Meles Alemu፡- Wasiirka Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta 13. Birhanu Tsegaye፡-  Xeer Ilaaliyaha Guud 14. Yalem Tsegay፡- Wasiirada Wasaarada Arimaha Haweenka Iyo Dhalaanka

Imaaraatka Carabta oo Sheegay in Safaarad iyo Qunsilayadba aaney ku leheyn Somaliland

Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash, oo u warramay laanta afka carabiga ee BBC ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya. Iimaaraadka carabta oo cilaaqaadka kala dhaxeeya dawladda Soomaaliya uu sii darsanayey ayaa markii ugu horreeyey ka hadlay halka uu ka taagan yahay xiriirkaas, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu joojiyay barnaamijyadii uu ka waday Soomaaliya. Wuxuu sheegay in heshiiska Berbera uu kala hadlay dawladdii ka horraysay tan hadda ka jirta Soomaaliya. "Arrinta dekedda Berbera waxay ku dhacday isfahan cad oo aan la yeelannay dawladihii hore ee Soomaaliya, waxayna ahaayeen kuwo cadcad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xiriirna lama lihin. Waxaan kaalin fududayn ah ku lahayn in aan kulamo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dhabi. Kaalinteennu waxay ku koobnayd  fududayn. Is fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsannahay
Nin qoraa ah ayaa sanadkii 2013 waxa uu qoray buug lamagac baxay my mother my love ayaa ah buug kahadlaayay hooyada. Waxaa lawaydiiyay sababta ku kaliftay waxa uu kujawaabay:- maalin maalmaha kamida markii aan jiray 12 ayaa habeen waxaa xanuun satay hooyaday waxana ay laheyd uur todobo bilood ah. Markii ay xanuunka dareentay ayaa waxaan i qabatay hurdo waana seexday,xili ay saacadu kubeegneyd 8:00 habeenimo ayaan soo baxay oo waxaa iqabatay kaadi,markii aan soo maraaray jigada ayaan waxaan dareemay sanqar. Markii aan soo galay jigada ayaan arkay arin aan la'ooyay hooyaday oo xalay oo dhan xanuunsaneyd ayaa hada waxay dabka saareysaa shaah. Intaan soo orday ayaan iri hooyo maxaad usameyneysaa shaaha waaba xanuunsan tahay aniga ayaa kuu jooga oo karin lahaa,waxay igu tiri hadal aan waligey ilaabi doonin"hooyo xanuun walba oo aan dareemo waxaa kaweyn xanuun walba oo uu dareemayo ilmaheygu markuu kaajoodo. Hooyadu waa lama helaan hadii ay kuu nooshahay kaduceyso una