Skip to main content

Posts

MW CMC Iyo Kulankii Balaadhnaa Ee Xog Iswaydaarsiga Ee Maanta Kadhacay Xarunta DDSI

Waa maxay Dawlad Wanaag

dawlad wanaag

WAR DEG-DEG AH XUKUUMADA IYO XISBIGA OO ISKUSHAANDHAYN CUSUB LAGU SAMEEYAY

Jigjiga(tuliguuled news) Isniin, 23ka April 2018. Shir ay yeesheen xubnaha gudiga fulinta iyo golaha dhexe oo socday shalay iyo maanta ayaa waxaa lagu sameeyey iskushaandhayn xafiisyada kabinetka iyo qaar  kamid ah Gobolada Ddsi. Shirkan ayaa waxaa hogaaminayey gudoomiyaha X.D.Sh.S.I mudane maxamad rashiid isaaq iyo Gudoomiye kuxigeenka X.D.SH.S.I ahna madaxweynaha DDSI mudane Cabdi maxamud cumar Hadaba, iskushaandheyntan ayaa waxay udhacday sidan hoos kaaga muuqata 1.        Marwo fartuun cabdi mahadi waxa loonadley madax maalida ee ddsi 2.         Mudane Ahmed Cabdi waxaa loo badaley Madax wazaarada Biyaha ahna xubin gudiga fulinta 3.        C/xakiin cigaal Cumer waa xubin gole dhexe ah ahna madaxa xafiiska pcdp 4.        Marwo sucaad axmed farax meesheedii 5.        Mudane khadar cabdi ismaciil madaxa xarunta dhexe ee xdshsi 6.        Mudane Hamdi aadan cabdi madaxwayne kuxigeen ahna wasiirka Cafimadka. 7.        Mudane suldaan kheyre wuxuu noqday xubin gudi fulin

Dowladaha Imaaraatka Carabka iyo Baxreyn ayaa si wadajir ah u cambaareeyay dowladda Soomaaliya, iyaga oo ku eedeeyay in ay ka been abuuratay Imaaraatka, islamarkaasna shaqaale safaaradeed lagu qabtay qori caaradiis, kadibna lacag malaayiin ah lagala wareegay si xoog ah.

Waxa ay ka jawaabayeen war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa lacag $9.6 milyan oo doolar ah oo lagu qabtay garoonka Aadan Cadde, taas oo ay wadday diyaarad ka diiwaangashan Dubai, islamarkaasna la sheegay in ay la socdeen saraakiil Imaaraati ah. Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay baarayso lacagtaas meesha ay ka timid iyo ujeedka laga lahaa, baaritaankaas oo aanan wali war rasmi ah laga soo saarin, balse waxa ay dhacdada kusoo beegantay xilli ay dalka ka jireen khilaafyo siyaasadeed. Horey dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraatka u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, dacwadaas oo ahayd in Imaaraatka ay farogalin ku hayaan Soomaaliya, islamarkaasna si aan sharci ahayn ula wareegeen dekedo dalka ku yaala iyada oo aanan laga wargalinin. Baxreyn Waa dowladda kaliya ee illaa iyo hadda la safatay Imaaraatka marka laga hadlayo muranka kala dhaxeeya Soomaaliya. Balse waxaa la xusuustaa in markii uu dhashay khilaafkii khaliijka, in Baxr

nimco waliba nusqaanteeda ayey leedahay

22ka April,    2018. Sida lawada ogsoon yahay guud ahaan soomaalida geeska Africa degta gaar ahaan soomaalida itoobiya waxaa intabadan saamayn jiray abaaro soo noq-noqda oo dhaca sanadkiiba halmar ama labadii sanaba mar maadaama oo aysan    sifiican    uheli jirin roobabkii xiliilaha ahaa ee di’i jiray      gu’ga iyo dayrta ama ay waayi jireen sanad ama laba sanaba    taasi oo ay keentay aqoon la’aan, wacyigalinta oo yarayd iyo u diyaarsasho weel la’aanta    bulshada iyadoo xaalada isbadalka cimilada aduunka ee deegaanka kuwajahan aan lasaadaalin karin taasi oo sababi jirtay abaaro ba’an oo gaysta khasaare naf iyo maalba leh dad iyo duunyaba . nimco waliba nusqaanteeda ayay leedahaye waxaa wakhti-xaadirkan guud ahaanba deegaanka kacurtay roobab laxaadleh oo khasaare Naf iyo maalba leh gaystay sababayna fatahaado laxaadleh iyadoo ay marar badan xukuumada deegaanku horey uga digtay balse kudhawaad    in kabadan mudo laga joogo 30 sano aysan roobabkan oo kale deegaanka kadi’in. Rooba

Baasaaboorka JDFI Oo Laga qaadandoono Xarunta Deegaanka Ee Jigjiga.

jigjiga sabti, 21ka April, 2018. Laanta socdaalka dalkeena itoobiya ayaa  masuuliyiinta ugu saraysa laantan socdaalku  waxay  waraysi ay siiyeen waraahinta kala duwan ee dalka  ku sheegeen in laanta socdaalka dalku  balaadhinayso xarumaha lagu bixiyo baasaaboorka dalka taasi oo ay sheegeen in xarunta deegaanka ee jigjiga sirasmiya dhawaan looga bilaabidoona bixinta baasaabaarka dalka. Waxaana,  xusid mudan in  hadda ka hor laga qaadan jiray baasaaboorka dalka  magaalooyinka addis-ababa iyo direbadha islamarkaana ay bulshada deegaanka socdaal dheer iyo wakhtibadan ku qaadan jiray sidii ay u qaadan lahaayeen baasaaboorka dalk. Balse hadda wixii ka dambeeya  si dhibyar kaga qaadandoonaan xarunta deeganka ee jigjiga

Macalimiinta Maadada Milgaha Qaranka Iyo Anshaxa Oo Tababar Loo Qabtay

Jumce, 20ka Aprill 2018. Waxaa si rasmi ah deegaanka  uga bilawday  tababar kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee dhamaan  barayaasha maadada  milgaha qaranka iyo anshaxa ee ka hawlgala dugsiyada ku kalayaala guud ahaan deegaanka heer deegaan ilaa heer-qabale. Kuwaas oo tababarka ku kala qaadanaya 7 goobood oo deegaanka ah  oo kala ah jigjiga, dhagaxbuur, qabridahar, godey, wardheer, hargeele iyo fiiltu. Iyadoo macalimintanina ay tiradoodu kor udhaafayso 3900 oo macalin Hadaba, magaalada jigjiga oo kamid ah goobaha uu tababarku ka bilawday maanta ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay  Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane Ibraahim Aadan Mahad  oo halkaas ka soojeediyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa islamarkaana kusaabsan muhiimada maadada milgaha qaranka iyo anshaxa iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in kor loo qaado garaadka aqoomeed ee barayaasha maadadaasi. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dhamaan macalimiinta iyo dhamaan shaqaa