Skip to main content

Posts

Odhaahda maanta faysal roble dooda luuqada

Odhaahda Maanta (Talk of the Town) Dooda ku aadan Luqada iyo Itoobiya Sida aad beryahan la socotaa waji cusub ayey Itoobiya gashay. 1 durba waxa daaqada ka sii baxay gashaanbuurtii Kushitic ama ilam Kush, 2. Isbahaysiga Oromo oo dhowr u kala baxay, iyo 3. R/W Abiy oo u janjeedha dhinaca Itoobiya midaysan (Grester Ethiopia) oo Axmaarigu dunta isku haysa yahay. Aan usoo noqdo arintaas iyo dooda ka aloosan. Balsa eray-bixin aan yar taabto: 1. Shuccub - waa dad badan oo kala duwan Islamarkaana ah qowmiyado kala duwan. 2. Ethnic groups - waa erey u dhigmi kara qowmiyad inta badana ay isticmaalaan aqoonyahanada muxaafidka ah. Xiliyadii baratanku ka dhexeeyey wadanada rer-Galbeedka iyo kuwii beriga iyo waxgaradkii kala raacsanaa ayaa ku kale isticmaala jiray ethnic (rer-galbeed) iyo Nations (garabkii bidixda). 3. Qaran ama Nationality or Nation - sida badan labadan erey waa iskumid isticmaalkoodu. Waxaase loo badiya in Nation uu ka yar baaxad weyn yahay kan ah Nationality marka

ODHAAHDA MAANTA IYO DDS

Odhaahda Maanta (Talk of the Town) Tababar gaar ah ayaa u socda madaxda SRS. Sida la'iigu fasiray, waa seminar dhowr qaybood leh oo madaxda sare DDS lagu hanuuninayo falsafada R/W Abiy Axmed rabo in uu ku dhaqo dalka Itoobiya. Waxa falsafada loo bixiyey "Medemer" ama isku jamcin. Hadaad sii balaadhiso hadafka Medemer waxa uu noqon karaa salbalaadhin. R/W Abiy markuu xukunka la wareegay Medemer danta weyn ee laga lahaa waxay ahyd ama u ekayd isu soo ururin qowmiyadaha Itoobiya ee kala irdhoobay. Hadse falsafad Abiy leeyahay ayey noqotay, sidii tii Moa Zodong taught. Sida ka cad tababarka loo furay madaxda Soomaaliyeed iyo Herarida oo wehelisa, waxa la sheegay in falsafad baaxad leh oo dhameystiran ay Medemer tahay. Tababarka qaybtii ugu horeysay waxa laga fahmey in Medemer ay leedahay nidaam  siyaasadeed iyo dhaqaale (political economy). Waxa lagu sifeeyey Medemer in ay tahay nidaam fakir ka soo ergistay ama maanguuriyey hantiwadaaga iyo hantigoosiga (borrows bes

WAXAA QORAY FAYSAL ROOBLE WACAANA IDINKA WADAAGAY ANOO AH CABDICASIIS ABIIB MOHAMUUD

Food For Thought.  Fadlan isku turjuma oo share sameeya. 1941-54 ayey inoogu dhoweyd.  Kamase quusanayno ee taariikhdu ha ina hagto.: Cutubyadan hoos ku qoran waxaan ka soo minguuriyey Buug nin Igriis ahi qorey.  Waa markay Xornimo inoogu dhoweyd.  Taariikhda Soomaalidu ma jecla. Hase ahatee ma duugowdo. A British-trained police force eventually replaced the former police who were in the service of local provincial governors. There were two revolts during this time: the Woyane rebellion in eastern Tigray Province, which was suppressed with the assistance of British air missions; and the other in the Ogaden which was put down by two battalions of Ethiopian forces." The Ogaden revolt during this time was taking place in the outskirts of Jigjiga. Meanwhile, Haile Selassie had made additional territorial demands; while his demands for the annexation of Italian Somaliland might have been a bargaining tactic, he was serious about the return of Ethiopian territories in the Og

Faysal abdi roble

Free Suber Cabdi Shimbir Cadayn: Ina Cabdi Shimber waa wiil aanu qaraabo nahay. Rer-galbeedku waxay family u haysteen inta dhaafsan abtirsiinta aabaha. Sidaas darteed Ilma Shugri Gaal Eri oonu habrawadaag nahay ayaa wiilka isku qoys naga dhigaya. Laakiin arintaas ugu ma hadlayo. Xidhigiisu waxa uu isoo xasuusayey erey ay maalin MW Mustafa Cumar iyo kooxdiisu isla dhex mareyeen oo ah Kacdoonku Caruurtiisu Cunaa (Revolution deouvers its children - qoraa horaa yodhii). Hada xidhigi Subeer Cabdi Shimbir ayaa ka marag kacaya maahmaadaas. Taariikhda dib u mililicso. Maqaal aan 1994 qoray waxaan ku soo qaatay dilkii Maxamed Cumar Tube oo TPLF dishay. Waa maqaal dheer oon lahaa TPLF yaan waxba laga sugin. Sheekada Ina Tube ayaa dib iigu celisay 1976 iyo tababarkii WSLF iyo xeradii Qabri baxar oo Lughaya ku taal. Sadex nin ayaa tababarta WSLF ugu magac dheer: Ina Tube oo aroortii  qiyaas 4: 00 AM isaga oo dhangad iyo AK -47 wata, gadh madow oo buuxa leh ku dhawaaqi jiray: " w

Waxaa qoray faysal roble waxaana idinla wadaagay aniga oo ah cabdicasiis abiib mohamuud

Sheekada Maanta Mrakaanu aasaasaynay Wardheernews.com oo taariidhu ahayd 2004, anigaa ku darsaday hindishaha bogga “Talk of the Town,” ama Sheekada Maanta. Laba meelood ayaan fakirkaas ka keenay.  Berigaan yaraa een Jigjiga joogay waxaan si joogta ah u akhriyi jiray Addis Zaman. Bog waxay lahaan jirtay la odhan jiray “ka zihim ka zaam;” bimacni “faalo googoos” ah. Wargeys kale oon mudo dheer akhriyayey (The Atlantic Monthly) ayaa isna lahaa wax u eg “Talk of the Town,” ama “Sheekada Maanta.”  Hadaba, sheekada maantu waa maxay? Waa laba sheeko.  Midi waa Baadariga ugu weyn madhabada Orothokiska ah ee Bariga iyo Badhtamaha Afrika oo Jigjiga lagu soo dhoweeyey.  Tan labaad, waa Kusime Kuxigeenka MW (KKMW) DDS, Mustafa Cumar, oo daraja cusub uu nin Axmaar ahi ku sheegay. Arinka Kiniisada:  Waxay ila tahay in maalin taariikh ah ay noqondoonto August 4, 2019. Qaaciidada Orthodox waxay Afrika ka soo gashay dhinaca Alexandria ee Dalka Masar. Waxa la qiyaasaa in Xabashidu qaadatay mad

Waxaa qoray FAYSAL ROBLE

Food For Thought! Deepening Identity Crisis In 1979, then Ph.D. candidate Ismail Weis presented a fascinating paper at the Somali Studies Association Conference (ASA). He researched what he then called Somali West Identity Crisis," or “Khakhalaka Jiritaanka Soomaali Galbeed." At the time of his presentation, Ismail was assessing the geographic identity crisis of residents of Western Somali Region within the larger Somali peninsula. His overarching focus was on brain-drain of that region and the migration of its urban educated class in its tendency to assimilate with other Somali regions.  Dr. Weis himselve today is a Presidential advisor to President Ismail Omar Gheli of Djibouti. Exactly 40 years later, with the failed state of Somalia in full gear, and the quasi successful policies of EPRDF's creation of a Somali "evolve' class, identity crises among Somalis in the DDS has taken roots. The unified view of Somali history is distorted. The evolve'

Awooda raasamaal ee gumaysiga amxaaraynta

Maqalki maant oon Af-Soomaali ku Turjumay  Awooda Raasaamlka ee  Gumaysiga Axmaarada Berhyahan dambe waxa Kusimaha Madaxweyne Kuxigeenka DDS ka soo yeedhaya difaac uu difaacayo fakarka islaweynida Axmaarada (Amhara supermacy).  Hadaba marka aynu ka hadlayno islaweynida Axmaarada waxa waa jib ah in aynu fahamno dhaqans-siyaasiga ka dambeeya islaweynida gumeysiga Axmaarada ee inagu raagay. Islaweynida Axmarada ulama jeedno in aynu nacayb iyo colaad furan u qabno shacabka Axmaarada. Maya! Waxaan ka wadnaa in aynu diidanahay gumeysiga intuu dhulkeena inaoogi yimid cadaadis xad dhaaf ina dulsaaray mudo hada ku dhow 200 oo sano.  Arintaasina waxay haysataa Soomaali, Oromo, Canfar, Welayta, iwl. Gumeysiga Axmaaradu la mid ma aha shaqsi Jigjiga, Dhagaxbuur, ama Moyale ku nool oo shah af-Xabashi ku dalbada.  Wax magaratadu ha ogaato xataa in aad af-xabashi shah ku dalbato adigoo SRS jooga waxa keenay lahaanshaha ay Axmaaro lahay ama gacanta ku haysay mudo 150 ah rugta cilmiga