Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2020

ITOOBIYA OO QIIQ IYO UURO KABAXAYSO

ITOOBIYA OO QIIQ IYO UURO KABAXAYSO June 30, 2020   admin   Leave a comment Addisababa(RNN) – Saaka Oromadii oo kagadoodsan fanaankii ladilay ee Hajaaluu Hundesa ayaa waxay dhaqdhaqaaq xoogan ka bilaabeen gudaha Addisababa, waxayna gubeen kaalmihii shidaalka, taaladii Minilik, ganacsigii iyo Huteeladii waawaynaa ee ay qowmiyada Amxaaradu kulahayd Addisababa. Wadooyinkii Addisababa galayay iyo kuwii kabaxayay intaba xalaynimo ayay sii xidheen waxayna dab qabadsiiyeen dhamaan gaadiidkii safarada iyo kuwii xamuulka ee kasoo baxay saaka magaalada addisababa iyagoo gaar ahaan bar tilmaameedsanayay gaadiidka Amxaaradu leedahay. Naf badan iyo maal badan ayay burburiyeen. Goobjoogeyaal Addis ababa ku sugan waxay noo sheegeen inay Addisababa saacado yar gudahood muuqaal ahaan qiiq iyo olol isu badashay islamarkaana ay maydad badan oo dad shacab ahi wadhan yihiin laamiyada magaalada iyagoo dadkaas lalaayay noogu sheegay inay ahaayeen dad Amxaaro ah oo labeegsaday, guryahoodiina lagubay. Dhanka k

Fanaan geeridiisa laga cabsi qabo inay xasilooni daro ka abuurto Itoobiya

LA WADAAG Fanaan geeridiisa laga cabsi qabo inay xasilooni daro ka abuurto Itoobiya BBC Copyright: BBC Fanaan caan ka ahaa dalka Itoobiya oo lagu magacaabay Hachalu Hundessa, ayaa lagu toogtay caasimadda Addis Ababa. Waxaa isla markiiba la geeyay isbitaalka balse wuxuu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray. Ra,iisal waasare Abiy Ahmed ayaa ka tacsiyeeyey geerida Hachalu isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa heesaa “cajiib ah”. Heesaha uu fanaankan qaadi jiray ayaa badanaa wuxuu uga hadli jiray xoriyadda iyo xuquuqda qowmiyadda Oromada. Waxaa jira walaac laga qabo in dilkiisa ay dalkaasi ka abuurto xasilooni daro. Booliska ayaa sheegay inay xireen dad ay ku tuhunsanyihiin dilka fanaanka. Social embed from twitter

Dilkii Haajaalu maxaa kasoo kordhay?!

Dilkii Haajaalu maxaa kasoo kordhay?! Waxaa hadlay dhawr masuul  1•police ka Addis Ababa ayaa hadlay oo sheegay in baadhitaan Ku wadaan sidii ay xaqiiqada u heli lahaayeen iyo cidii dilkan ka danbaysay. -2•Abiye Ahmed ayaa aad u amaanay ninka dhintay  Isla markaana sheegay in uu sugayo Kuna go,aan qaadan doono xogta ay laamaha Amnigu soo gudbiyaan baadhitanada lawado kadib  Wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay is dajiyaan . 3•waxaa hadlay madaxweynaha deegaanka oromada oo sheegay in already lasoo qabtay waar lagu tuhmayo in ay dilka Ku luglahaayeen , Wuxuu sheegay dilkan uu ahaa mid lasoo maleegay aadna looso qorsheeyey wuxuu raaciyay in dilkan aan si fudud uun looga gudbi doonin ee la iskaga danbayn doono, Wuxuu fanaanka dhintay Ku tilmaamay hogaamiye karti leh oo isaga u ahaa walaal la taliya. 4•waxaa kaloo hadashay xeer ilaaliyaha guud ee dalka oo sheegtay in sharciga la horkeenid doono cid walboo Ku lug leh falkan , Dhanka shacabka  ~~~~~~~~~~~~~ Shacabka oromada ayaa saacadan aan qor

FANAAN CAAN AH OO KASOO JEEDA QOWMIYADA OROMO OO ADDISABABA LAGU DILAY

F ANAAN CAAN AH OO KASOO JEEDA QOWMIYADA OROMO OO ADDISABABA LAGU DILAY June 29, 2020   admin   Leave a comment Addisababa(RNN)  – Waxaa maanta xarunta dalka Itoobiya ee magaalada Addisababa toogasho kadis ah lagu dilay Fanaan caan ah oo kasoo jeeda Qomwiyada Oromada ee talada dalkaasi haatan gacanta kuhaysa. Fanaanka magaciisa waxaa ladhahaa Hajaaluu Hundesa, wuxuu ahaa fanaan iyo qoraa heesaha afka Oromada. Si kadis ah ayaa toogasho aan lagaranaynin cidda ka danbaysay loogu toogtay meel udhaw Galan Condominium oo kutaala Addisababa. Islamarkiiba waxaa loola cararay cisbitaal lagu magacaabo Tirunesh Beijing General Hospital, nasiib-darose markii cisbitaalka lageeyay ayuu udhintay dhaawacii kasoo gaadhay toogashada. Artist Haacaaluu Hundeessaa, the prominent Oromo singer, songwriter, is shot dead today in Ethiopia’s capital AddisAbeba around Galan Condominium site. He was admitted to Tirunesh Beijing General Hospital but died of his injuries shortly after. R.I.P! Addis Standard Fb Page

Fadlan lifaaqa guji oo sii akhri

BOOLISKA SOMALILAND OO JEELKA UTAXAABAY ABWAAN SHUCAYB YARE June 28, 2020   admin   Leave a comment Hargeysa(RNN)  – Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa caawa gurigiisa kala baxay Abwaan Shucayb Yare oo dhawaan Maanso ku dhaliilay Madaxwayne Biixi iyo xukuumadiisa. Nidaamka dawladnimo ee Somaliland ayaa dhibsaday suugaanta da’yarkan oo ahayd gantaal wadnaha ka abaaraya Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kaasoo uu abwaankan da’da yari sawir kaga bixinayay fool-xumooyinka maamul ee kajira Somaliland. By Mohamed Yusuf Bakayle

XISBIGA WADAJIR OO GUDIGA DOORASHOOYINKA UGU BAAQAY INAY ISCASILAAN

X ISBIGA WADAJIR OO GUDIGA DOORASHOOYINKA UGU BAAQAY INAY ISCASILAAN June 28, 2020   admin   Leave a comment Muqdisho(RNN)  – Xisbiga Wadajir wuxuu si rasmi ah ugu baaqay Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka inay iscasilaan, maadaama ay ku fashilmeen mas’uuliyadii loo idmaday, lumiyeena kalsoondii shacabka, qaybna ka noqdeen mashruuca Madaxtooyada ee mudo korodhsiga ah.

XUBNO BAARLAMAANKA PUNTLAND KAMID AH OO GU’ITAAN RAADINAYA

X UBNO BAARLAMAANKA PUNTLAND KAMID AH OO GU’ITAAN RAADINAYA June 28, 2020   admin   Leave a comment Mudaneyaal katirsan Baarlamaanka dawlad goboleedka Puntlad ayaa xukuumada uu madaxwaynaha kayahay Siciid DANI ugu baaqay inay kala shaqayso in Puntland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale oo ay iskeed ugu dhawaaqdo dawlad madax banaan si lamid ah Somaliland. Xildhibaanadan ayaa waxay qabaan in Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay duudisaday xuquuqdii deegaanadooda ee dhinac walba. Soo ma moodid, inay Puntland dhan u raran tahay maalmahan danbe markaad eegto hadalada madaxdeeda iyo hanjabaadaha kasoo yeedhaya?.

WAKIILADA SHACABKA SOMALILAND OO ANSIXIYAY XUBNIHII AY HORAY UDIIDEEN

WAKIILADA SHACABKA SOMALILAND OO ANSIXIYAY XUBNIHII AY HORAY UDIIDEEN June 28, 2020   admin   Leave a comment Hargeysa(RNN)  – Golaha wakiilada Shacabka ee Somaliland ayaa saaka ansixiyay labadii xubnood ee ay xisbiyada mucaaradku komishinka doorashooyinka usoo magacaabeen. Wakiilada ayaa horay udiiday xubnahan ay haatan ansixiyeen. Khaalid Foodhaadhi

Wabiga Nile: Itoobiya oo oggolaatay iney dib u dhigto biyo-xireenka 27 Juunyo 2020, 12:21 EAT Waa la cusbooneysiiyay Saacad ka hor Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille Qoraalka sawirka, Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille Madaxda dalalka Suudaan, Itoobiya iyo Masar ayaa magaalada Addis Ababa ku gaadhay heshiis ah in dib loo dhigo keydinta biyaha biyo-xireenka ilaa ay seddexda dal ka gaarayaan heshiis dhammeystiran. Seddex dal heshiiska ay ku gaareen magaalada Addis Ababa wuxuu dhigayaa iney ku laabtaan wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa isla-markaana usbuucyada soo socda ay gaaraan heshiis kama dambeys ah. Xukumadaha Khartuum iyo Qaahira warmurtiyeedyo heshiiska ku saabsan oo ay soo saareen ayay ku sheegeen go'aanka Itoobiya ay ku waafaqdo iney dib u dhigto biya keydinta ay gacan ka geysaneyso heshiis buuxa iney seddexda dal gaaraan. Heshiiskan la shaaciyey gelinki dambe ee Jimcaha ayaa lagu sheegay inuu noqonayo mid soo afjaro ismariwaagi toddobaadyada taagnaa ee ka dhashay mashruuca weyn ee ay Itoobiya dhiseyso oo ay ku kaceyso miisaaniyad ka badan $4.6 bilyan oo doolar. Itoobiyana waxay in mudda ah ku adkeysaneysay iney keydinta biyo-xireenka dhisamahiisa uu hadda marayo 70% ay billaawdo xilli roobaadka bisha July ee soo socota. Dhinaca Itoobiya weli wax war oo ku saabsan heshiiskaasi la gaaray kama soo bixin, marka laga reebo farriin uu Ra'isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay oo uu ku sheegay kulanka Midowga Afrika uu hormuudka ka ah ee ay seddexda dal yeesheen inuu "mira dhal ahaa". Xurguftii Masar iyo Itoobiya ee wabiga Nile wali fari kama qodna Hase yeeshee, wasiirka Biyaha, Waraabka iyo Tamarta ee dalka Itoobiya Dr Silashi Beqele wuxuu bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay Itoobiya, Masar iyo Suudaan iney wadahadallada toddobaadyada soo socda iney heshiis seddex geesoodka ku soo gabagabeeyaan. Heshiiskaasina uu dhexdhexaadinayey guddoomiyaha midowga Afrika Cyril Ramaphosa oo ay seddexda dal saxiixeen waxay ku heshiiyeen 2-3 usbuuc iney heshiis kama dambeys ah ku gaaraan. . Qoraalka sawirka, Biyo xireenka webiga Nile Itoobiya waxay mar weliba ku adkeysaneysay mashruuca biyo-xireenka aadka u weyn ay uga faa'ideysani lahaayeen malaayiin shacab ah oo saboolnimo ku sugan. Dalka Masar oo 90% biyaha dalkaasi laga cabbo ka helo wabiga Nile ayaa welwel aad u weyn ka qabto inuu biyo-xireenkan uu biyaha Masar ay heli jirtay uu yareeyo, taasina ay saameyn u geysato shacabka 100-ka malyan kor u dhaafay ee reer Masar. Masarna waxay Qaramada Midoobay ugu baaqday inay soo farageliso muranka ka dhashay biya xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Nile. Ra'isal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduk wuxuu isna sheegay waddamada uu maro wabiga Nile iney ku heshiiyeen wadaxaajoodkii seddex geesoodka dib loo billaabo si ay guddiyada farsamada ay laba toddobaad gudahood ay u gaaraan heshiis kama dambeys ah. Itoobiya: "Masar waxay carqaladeyneysaa wadahadallada seddex geesoodka ee socda" Wuxuuna Ra'isal wasaaraha Suudaan uu intaa ku daray "iney Suudaan biya-xireenkaasi si weyn uga faa'ideysaneyso, khataraha ka imaan kara haddii aan xal loo helinna ay tahay waddanka ugu horreya uu dhibka ugu weyn ka soo gaari karo, isaga oo Masar iyo Itoobiya ugu baaqay iney gaaraan xal waara." .

W abiga Nile: Itoobiya oo oggolaatay iney dib u dhigto biyo-xireenka 27 Juunyo 2020, 12:21 EAT Waa la cusbooneysiiyay Saacad ka hor Qoraalka sawirka, Biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nille M adaxda dalalka Suudaan, Itoobiya iyo Masar ayaa magaalada Addis Ababa ku gaadhay heshiis ah in dib loo dhigo keydinta biyaha biyo-xireenka ilaa ay seddexda dal ka gaarayaan heshiis dhammeystiran. Seddex dal heshiiska ay ku gaareen magaalada Addis Ababa wuxuu dhigayaa iney ku laabtaan wadaxaajoodkii seddex geesoodka ahaa isla-markaana usbuucyada soo socda ay gaaraan heshiis kama dambeys ah. Xukumadaha Khartuum iyo Qaahira warmurtiyeedyo heshiiska ku saabsan oo ay soo saareen ayay ku sheegeen go'aanka Itoobiya ay ku waafaqdo iney dib u dhigto biya keydinta ay gacan ka geysaneyso heshiis buuxa iney seddexda dal gaaraan. Heshiiskan la shaaciyey gelinki dambe ee Jimcaha ayaa lagu sheegay inuu noqonayo mid soo afjaro ismariwaagi toddobaadyada taagnaa ee ka dhashay mashruuca weyn e

qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha

Q oraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa loogu mahadceliyey Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo fulinta codsiigii Madaxweyne ee ku aaddanaa xaqiijinta Mataaladda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir, taas oo uu ku soo jeediyey furitaankii Kal-fadhigii 7aad ee Baarlamaanka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda go’aankan taariikhiga ah oo aan horey loogu dhiirran, in uu ku yimid dadaal wadajr ah oo ay muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta ay ka go’an tahay in la sii amba-qaado hannaanka dimuqraadiyadda loo dhan yahay ee dalka. “Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeen dareenka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan rajada bulshada Caasimadda. Waa guul weyn in Muqdisho ay hesho qoondo ku saabsan matalaad Aqalka Sare, waayo waa caasimaddii Qaranka, waa astaanta dowladnimadeena, waana muraayaddii dadka iyo dalka Soomaaliyeed." Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka codsaday Xil

G uddiga ka Hortaga Caabuqa COVID19 ayaa Yeeshay Kulankoodii Caadiga

G uddiga ka Hortaga Caabuqa COVID19 ayaa Yeeshay Kulankoodii Caadiga  Guddiyada Sare ee ka Hortaga, Xakamaynta iyo Wacyigalinta Cudurka COVID19 Ee Degaanka Soomaalida oo ka duulaya sii'adkaynta shaqooyinka ka hortaga karoona fayraska ayaa yeeyashay kulan koodii joogtada ahaa. Kulanka oo uu  shir gudoomiyay Madaxwayne Ku Xgeenka DDS Mudane Ibraahim Cismaan ayna ka soo qayb galeen masuulinyiinta gudiyada ayaa waxaa ugu horayn la isku xog waydaarsaday xaaladaha u.danbeeyay ee halista cudurka iyo dhibaatooyinka uu keenay.   Waxayna guddiyada ka hortagu ay soo jeediyeen in uu caabuqa karonaa fayrasku sii kordhayo kuna sii faafayo bulshada gudaha degaanka dhinaca bulshadana ay ka muuqato dhayalsi badan iyo taxadar la'aan ayna ugu daran yihiin maamul magalooyinka iyo degmooyinka  Kulanka oo lagu gorfeeyay arimaha caabuqa COVID19 ka ayaa la iskula qaatay. ☆ In la siixoojiyo shaqooyinka ka hortaga oo aan laga caajisin dadaalada ka hortaga iyo xakamaynta cudurka. ☆ In la sii adkeeyo haw

GOLAHA SHACABKA OO ANSIXIYAY MATALAADA GOBOLKA BANAADIR EE AQALKA SARE

GOLAHA SHACABKA OO ANSIXIYAY MATALAADA GOBOLKA BANAADIR EE AQALKA SARE June 27, 2020   admin   Leave a comment Golaha Wakiilada Shacabka ee Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in Gobolka Banaadir uu ku yeesho Aqalka Sare 13 xildhibaan. 142 Xildhibaan ayaa ‘Haa’ ucodaysay halka 4 ay diiday sida uu ku dhawaaqay Gudoomiye Mursal.

Lixdan Guurada Lixdankii: Ma shantaa laba ah, mise labadaa shanba ah?

Lixdan Guurada Lixdankii: Ma shantaa laba ah, mise labadaa shanba ah? ABoobe Yuusuf Ducaale Qoraa iyo wasiirkii hore ee warfaafinta Somaliland 30 Daqiiqadood ka hor Qoraalka sawirka, Xafladdii 26 June ee magaalada Hargeysa Halgan dheeraa, haydaar badnaa oo hub iyo heesba la isku hurgufay dabadii ayay shacbigii Maxmiyaddii Ingiriisku gumeysanayay degganaa soo hooyeen libin la haybinayay. Waa 25kii Juun, sannadkii hoodada lahaa ee Afrika. Waa 60kii oo 60 sannadood laga joogo, munaasabadihii lagu muuneeyay aan xabbad-qaado: Garoonkii u dhawaa malcaamaddii Ina Baraawe (Masaajidka Ibraahin Dheere) ayaa casar la isugu soo baxay. Filib Karal oo gumaysigii ka wakiil ahaa iyo Cigaal oo dawladdii dhalatay hoggaaminayay ayaa joogay. Labadii calan ayaa la is-weydaariyay Timacaddena geeraarkii Kaana sib, Kanna saar ayuu ka tiriyay, Koox reer Scotland ahayd oo Cadan laga keenay ayaa miyuusig tumaysay, Habeennimadii Beerta Xorriyadda ayaa lagu dabbaal-degay saqdii dhexena calankii lagu saaray iyada o